Faraqa Abuurka Ah Ee U Dhexeeya Maskaxda Mu’minka Iyo Ta Gaalka, Iyo Sida Ay U Kala Duwantay Shaqadoodu

0
1120

Picture10Ottawa (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Canada ayaa helay faraq weyn oo u dhexeeya habka shaqo iyo firfircooni ee maskaxda qofka Alle rumaysan ee mu'minka ah iyo ka aan rumaysnayn ama bilaa diinta ah. Cilmi baadhayaashani waxa ay tijaabo cilmi ah ku sameeyeen dad ku tabarucay si loo ogaado heerka deggenaanshiyaha maskaxdda iyo xasiloonida nafsiga ah, waxaana soo baxday natiijo ah; in firfircoonida maskaxdu inta badan ka timaad qaybta maskaxda ee loo yaqaano Cingulate cortex, taas oo marka ay firfircooni dheeraad ah ku shaqayso keenta xasilooni darro iyo xaalado nafsiya oo aan deggenayn, waxaana soo baxday in dadka aaminsan jiritaanka Alle ee mu'miniinta ahi ay inta badan maskaxdooda qaybtani ay u shaqayso si ka firfircooni yar kuwa dhiggooda ah ee diinlaawayaasha ah, taas oo sabab u ah in qofka Alle aaminsani ka xasiloonaado nafsiyan kuwaas kale.

Waxa ay khubaradu sheegeen in qaybtani ay ku taallo badhtanka galka sare ee maskaxda waxa aanay ka masuul tahay dhaqanka iyo feejignaanta qofka. Taas macnaheedu waxa uu yahay in mar kasta oo qaybtan maskaxdu si yar ama daciif ah u shaqayso uu qofku noqonayo mid deggen war warka iyo walbahaarkuna ku yar yahay. Michael Enzilcht oo ka tirsan jaamacadda Toronto ayaa isaga oo daraasaddan faah-faahinaya waxa uu yidhi, "Qaybtan maskaxda ee loo yaqaanno Cingulate cortex, waxa ay u shaqaysaa sida jaraska digniinta, waxaana noo caddaaday in firfircoonida iyo shaqo badnaanta maskaxda ee dadka Mu'miniinta ah ama guud ahaanba diinta ku dhaqmaa ay tahay mid aad uga yar qofka dhiggiisa ah ee diinta aan aaminsanayn" Waxa uu khabiirkani sheegay in ay daraasaddan ku ogaadeen in shaqada noocan ah ee maskaxdu ay keento in mar walba qofka mu'minka ah uu ka yaraado warwarka iyo diiqaddu, xattaa haddii uu qaladaad galo. Daraasaddan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee UBI waxa kale oo ay sheegtay in qofka Alle aaminsan ay qaybta maskaxdu u shaqayso si deggen taas oo keenta in marka uu qalad galo uu dersi ka barto lagana yaabo in aanu dib ugu noqon.