Ninka Dunida Ugu Dheer Oo Guurmeer Ah Ayaa Dalka Ruushka Hablo U Raadsaday

0
625

Ninka dunida ugu dheer ayaa u socdaalay dalka Ruushka si uu u soo raadsado gabadh uu guursado. Suldaan Koosen oo ah 39 jir u dhashay dalka Turkiga oo ka soo jeeda qoys isir ahaan Kuriyiin beeraleya ah.  Diiwaanka Caalamiga ah ee ‘Guinness World Record’ ayaa Suldaan u aqoonsaday in uu yahay qofka ugu dheer aadamaha dunida inta maanta nool, kaddib markii uu dhererkiisu dhaafay laba mitir iyo badh (2.51 mitir).

Suldaan Koosen ayaa sheegay inkasta oo uu dhererkiisa xad ka baxa ah la qabsaday, haddana in uu marar badan ku keeno caqabado iyo arrimo aanu ku raalli noqon.

Sannadkii 2013 ayaa uu  u guursaday Meerfe Dibo oo ahayd 29 jir u dhalatay Suuriya oo dhererkeedu ahaa 1.75 Mitir, laakiin dhowr sano kaddib ayaa ay kala tageen. Mar uu sababta ka hadlayna waxa uu sheegay in dhibaatada u weyni ay ahayd isfahamkii iyo xidhiidhkoodii oo adkaaday maadaama oo ay gabadhu ku hadlaysay Carabi keliya, isaguna afka Turkiga oo keliya garanayey.

Suldaan Koosen waxa uu markan go’aansaday in uu raadiyo gabadh cusub, waxa aanu damacu ka galay qalanjooyinka Ruushka oo uu dartood u tegey magaalada Moosko. Isaga oo sheegay in uu war ku hayo in dumarka Ruushku ay aad u qurux badan yihiin, kalgacal iyo jacaylna hodan ku yihiin, sidaas awgeed uu doonayo in uu ka soo xusho gabadh u dhasha laba carruur ah oo wiil iyo gabadh ah. Sababta kale ee uu Suldaan sheegay in uu ku doortay dumarka Ruushku waa in ay jecelyihiin ragga xiisaha ku abuura Haweenka ee anshaxa fiican. Isaga oo intaas ku daray in gabadha Ruushka ahi haddii ay ninkeeda jeceshay in aanu jacaylkaasi abid ka guurin.

Suldaan waxa uu ku faanay in uu dhaqaale ahaan reerkiisa dhaqan karo oo aanay baahi lacageed haynin. Sidaas awgeed uu doonayo in xaaskiisa uu dejisto dalkiisa Turkiga oo uu sheegay in uu kaga noolyahay deegaan taariikhi ah oo ku yaalla Koonfurta bari, laakiin ka yara fog badda.

Isaga oo yar ayaa ay ka soo baxday buro saamayn taban ku yeelatay qanjidhka Bituwitary (Pituitary gland) oo ku yaalla xero lafo ku meersanyihiin oo maskaxda hoosteeda ah, taas oo ku keentay xaaladda loo yaqaanno ‘gigantism and acromegaly’ oo xaaladda hore oo inta badan carruurnimada dhacda ay sababto korniinka dhererka qofka oo inta caadiga ah dhaafa, xaaladda labaad oo inta badan dhacda marka qofku qaangaadh nodo ee korniinku istaagi lahaana ay sababto in waaxyaha qofku si aan caadi ahayn u weynaadaan, sida gacmaha, iyo cagaha.