Somaliland: Miisaaniyadda 2022 Oo Shalay La Ansixiyey, Lacagta Ugu Jirta Doorashada Iyo Dhaqaalihii Ictiraaf-raadinta Oo Kala-badh La Dhimay

0
629

Hargeysa (Geeska) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay ansixiyay miisanadiyadda Qaranka ee sannadkan 2022, taasi oo kooban 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon  shilin).

Fadhiga Shalay ee golaha oo ay ka soo xaadireen 67 mudane, ayaa waxaa ansixiyay Miisaaniyadda 57 Xildhibaan, waxaa diiday 6 xildhibaan, waxaa ka aamusay 3 xildhibaan, Guddoomiyuhuna muu codaynin.

Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, ayaa miisaaniyadda wax ka badal ku  sameeyay, iyagoo hay’adaha qaarkood u kordhiyay qoondada ay miisaaniyadda ku yaalanayaan. Guddida ayaa soo jeedisay in 1 milyan oo dollar lagu kordhiyo lacagta qabashada doorashooyinka sannadkan dhacaya oo 4 milyan markii hore miisaaniyadda ugu jirtay.

Sidoo kale, ciidamadda oo ay xukuumaddu mushaarkooda u kordhisay 20% sannadkan 2022, ayay ugu dareen 10% oo kale taasi oo ka dhigan in 30% mushaarka ciidanka la kordhiyay.

Sidoo kale, hay’ado kale oo dhawr ah ayay u kordhiyeen qoondada miisaaniyadda.
Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa iskugu gacan qaaday khilaaf ka dhashay habka loo maamulay ansixinta miisaaniyadda iyagoo xildhibannada qaarkood ay ku doodeen in aan si haboon looga doodin oo si duu duub ah lagu ansixiyay, waxaana Xildhibaannada ka mid ah Xildhibaan Guruuje iyo Xildhibaan Maxamed Abiib, kuwaasi oo doonayey in wakhti fiican la siiyo Miisaaniyadda si loo rogrogo isla-markaana looga baaran-dego waxyaabaha ay tabayeen inay khaldan yihiin.

Ugu dambayn, Meelaha kale ee Miisaaniyaddoodii hoos loo dhigay waxa ka mid ah Ictiraaf-raadinta.

Xukuumadda ayaa Ictiraaf-raadinta ugu dartay Miisaaniyadda lacag dhan 14 Bilyan oo Shilin, laakiin waxay Guddiga dhaqaaluhu ka jareen kala badh lacagtaasi, taa beddelkeedana waxay Guddiga dhaqaaluhu Hal Milyan oo Dollar ku kordhiyeen “Waa mid Subxaanale ah in Xildhibaannadii Muxaafidku ay ansixiyeen in Boqolkiiba konton la gooyey Dhaqaalihii Ictiraaf-raadinta, Maalin aynu ictiraafka uga dhownahay ma jirto, Adduunyadii oo dhan baa inoo soo jeedsatay, dagaal qabow baa Gobolka Geeska Afrika ka socda, Wasaaradda Arrimaha dibeddu way dedaalaysaa, in loo kordhiyo mooyaane dhaqaalaha Ictiraaf-raadinta mooyaane, waxaanu Ummadda ka Tacsiyadaynaynaa in la yidhaahdo Golihii Wakiillada ayaa joojiyey..” 

 

Geeska.net/Hargeisa Office