Ninka Dhererkiisu Yahay 1.52 Mitir Ama Ka Gaabani Waa Uu Ka Cimri Dheer Yahay Ka Dhiggiisa Ah Ee Ka Dheer

0
694

Washington (Geeska)- Culim u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daahfuray in ay heleen caddaymo muujinaya in ninka gaabani uu ka cimri dheer yahay ninka dhiggiisa dhinac walba, balse ka dheer uun. Cilmi baadhistan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Telegraph ayaa caddaynaysa in ragga qaan-gaadhka ah ee jooggoodu ka yar yahay 152 Sentimitir ay jiraan da’ qayrkood ka dheer.

Kooxda culimada ah ee cilmi baadhistan sameeyey ayaa xaqiijiyey in ninka gaaban ay u badan tahay in uu leeyahay hidde-sideyaal qaab-difaac ah u shaqaynaya oo uu ka mid yahay hidde-sdiaha lagu magacaabo fox-3 oo lagu naanayso hidde-sidaha cimri dhererka, iyo barootinno kuwaas oo marka ay ilmaha dhasha jidhkiisa ku bataan keena in uu ilmuhu qaro ahaan yaraado, dhererkiisuna uu gaabnaado, laakiin haddana dhinaca wanaagsan marka laga eego sabab u noqda cimri dherer. Waxa kale oo ay khubaradu caddeeyeen in dadka gaagaaban (Waa gaabnida caadiga ah ee aan ahayn ta naafada ah) dhiiggooda ay ku badan tahay maadadda insulin, isla markaana uu ku yar yahay cudurka Kansarku.