Ninka Ayaa Gabadha Ka Adkaysi Badan Xilliga Dhibta, Laakiin Haddana Isaga Ayaa Ka Cabasho Iyo Taah Badan

0
895

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Dareenka maqaarka iyo guud ahaan jidhka bani’aadamku waxa uu u shaqeeyaa qaab Rabbaani ah oo aad u yaab badan, inta badanna ragga iyo dumarku waa iskaga mid, laakiin haddana sida ku cad tijaabooyin cilmiya oo marar kala duwan la sameeyey waxaa jira meelo badan oo ay ku kala duwan yihiin, balse aanay dareensanayn labada jinsi. Tusaale ahaan marka aynu eegno maqaarka (Dubka) oo isku darka cabbirkiisa lagu qiyaaso 2 Mitir oo afar jibbaaran, ayaa waxa uu Alle (Subxaanahu) u sameeyey qiyaas ah Saddex Milyan iyo badh ah unugyo u gaar ah dareenka maqaarka. Unugyadaas badankooda oo ah illaa 2 Milyan iyo 8 boqol oo kun oo ka mid ah ayaa shaqadooduba tahay in ay dareemaan xanuunka iyo karaka, waana sababta keentay in aynu si aad u daran u dareenno xanuunka iyo karaka nabarrada soo gaadha maqaarka. Dhinaca kalana waxaa jira qiyaas ah 5 boqol oo kun oo ka mid ah oo iyaga shaqadooda xooggeedu uu yahay dareenka taabashada, taas oo ay labada jinsi ka siman yihiin. Laakiin haddana dumarka ay in ka badan toban jeer ninka ka hor dareemi og taabashada maqaarkeeda, oo haddii si isku mid ah labadoodaba wax jidhkooda u taabtaan gabadha ayaa markaba ku hor baraarugta.

– Marka aynu u nimaadno qarada maqaarka (dubka) waxa uu cilmigu xaqiijiyey in maqaarka dhabarka ninku uu ka qaro weyn yahay kana adkaysi badan yahay ka caloosha oo isagu aad u jilicsan, waxaana lagu macnayn karaa hawsha ama waajibaadka shaqo ee abuur ahaan raggu u diyaarsan yahay oo ah in uu u babac dhigo cadow xagga dambe kaga iman kara, xagtinta bahalaha iyo dhirta keymaha uu ka ugaadhsanayo iwm, maadaama oo uu leeyahay awood uu xagga hore ku difaacan karo uma baahna maqaarkiisa wajahaadda iyo calooshu in uu adkaado, laakiin dhabarku maya. Dumarka iyaga maqaarkoodu labada wajahadoodba waa isku mid. Waxa aanay khubarada qaar arrintan u sibir saaraan u diyaarsanaanta abuurka ah ee gabadhu hooyonimada u diyaarka tahay, taas oo dareenkani ka caawinayo in ay dareento ilmaheeda si ay u ilaaliso una quudiso.

– Ninku Isaga ayaa gabadha ka cabasho badan, haddana ka adkaysi badan xilliyada qaar: Waxa aynu hore u soo sheegnay in awoodda dareen ee ragga iyo dumarku dhinaca abuurka isku mid tahay, haddana ay ku kala duwan yihiin dhinaca shaqada iyo ka faa’idaysiga, haddaba waxaa iyaduna arrintaas ka qayb qaadata shaqada maskaxda labada jinsi oo sida aynu hore u soo aragnay si kala duwan u shaqaysa. Marka aynu ka hadlayno dareenka daalka, iyo xanuunka, waxaa yaab leh in marka nolol maalmeedka caadiga ah lagu jiro uu ninku ka cabasho iyo calaacal yar yahay gabadha, sida aad ragannimo uga moodayso ayaa aad arkaysaa haddana ninkii oo xanuun aad u yari dhulka dhigay, halka gabadhu ay xanuun daran iyo dhib adag u adkaysan karto, waaba isagii oo taahaya, cabanaya, caawimo, daryeel iyo xannaanayn doonaya illaa laga yaabo in ay gabadhu uba qaadato in waqtigiisii soo dhowaaday. Markaasaa haddana ay imanayaan duruufo kale oo uu ninkii adkaysi badan muujinayo. Tusaale ahaan xilliga kubadda cagta uu ciyaarayo ayaad ku arkaysaa adkaysi xad dhaaf ah oo uu xataa isaga oo nabarro qaba doonayo in uu ciyaarta dhammaysto.

Laakiin taas ha’ u qaadan adkaysi uu gabadha dheer yahay, sida aynu horeba u soo sheegnay maskaxda ninki waxa ay leedahay takhasus ah in markiiba ay hal shay xoogga saarto, taas ayaa keenaysa in markii ay maskaxdii ku mashquushay ciyaarta in ay illowdaba xanuunka nabarrada soo gaadhaya, laakiin goor dhow marka ay maskaxdu ka soo jeedsato ciyaarta ama hawshii kasta ee ay ku mashquulka ahayd ayaa mar keliya ninkii lagu soo degeyaa oo laga yaabaa in aanu habeenkaas cabasho iyo kaar seexan. Gabadha maskaxdeedu maadaama oo ay arrimo badan mar ka wada fikiri karto, waa sababta keentay in iyada oo arrin weyn ku mashquulsan, sida ciyaarta in ay haddana dareento kaarka iyo xanuunka.