“Farmaajo Midnimo Aan Ka Soconayn Ayey Kaga Dhegtay”

0
821

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dawladda Somaliya aanay diyaar u ahayn wada hadalada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumad ahaan xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliya, “Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Somaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Somaliya wey ka meermaraysaa, Farmanaajana midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay,garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah,  Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada,Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”.

Mar uu ka hadlaayey Sucuudiga iyo dhoofka Xoolaha ayaa yidhi “Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Somaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here