Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Saddexaad uguna dambaysay qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey qiso uu ka soo turjumay afka carabiga oo ka hadlaysa nin isku dayey in uu ka gun gaadho sirta iyo mukurka haween, laakiin ay isagii isku rogtay.
Intii hadalka iyo qab-qabashadu socotayba fiidaddow ayaa ay noqotay, iyada oo aan sheekhii weli la keenin ayaanu gabbalkii dhacay. Gabadhii markii ay istidhi imika ayay soo dhowyihiin qoladii sheekha doontay ayaa ay Inan (Gabadh) ay walaalo yihiin oo la joogtay guriga markaa meel guriga ka durugsan oo dibadda ah ku maqnayd inta ay ka daba tagtay waxa ay u geysay dhar rag oo ay ugu soo labbistay, kadibna inta ay gacanta qabsatay ayey la gashay qolkeedii. Ninkii meel halkan ah ayaa uu ku xidhxidhan yahay, waxa uu arkayey xaaskiisa oo kelideed baxaysay, imikana soo noqotay iyada oo gacanta haysata ruux muuqaal nin leh. Qaylo ayaa uu ku dhuftay, “Hayaay.. ka soo kacaay.. ninbaa guriga kula jira ee ka soo gaadhaay…” Ninkii oo qaylinaya ayaa ay u yimaadeen odayaashii sheekha doonay iyo raggii deegaanku, iyana inta ay soo baxday aya ay tidhi, “Waxaas ayaa I haystay, miyaanan idin odhan ninkani ma saalloona ee iga soo gaadha”
Ninkii ayaa yidhi, “Waar, waan miyir qabaa ee bal horta imikaba ila eega, oo soo arka ninka ay gabadhani intii aad maqnaydeen guriga ku soo xaraysatay. Intii ay la dhuumanaysay dan ayaa ay ahaydba ee imika aniga oo indhahayga ku arkaya ayaa ay soo gelisay, welina ma’uu bixin ee indhihiina ku soo arka. Oo maantaba haddii aad weydaan waallida aad sheegaysaan igu qora”
Raggii oo qaarkood uba soo dabceen wiilkooda ayaa go’aansaday in ay hubiyaan warka uu sheegayo. Waxa la baadhay meel kasta oo gurigii ka mid ah, lagamana helin wax aan ahayn inantii ay gabadh walaalaha ahaayeen oo iska dhigaysa mid ka baqaysa ninkan waashay. Ninkii cadho ayuu bes yahay marka ay gabadhu u soo dhowaatana cay iyo aflagaaddo ayaa uu daldalayaa, iyana waxa ay leedahay waa kaas.. taasaan muddaba qarsanayey. Inta la soo noqday ayaa la yidhi, waar ninku wuu waashay ee reerka ka xidha, waxaana lagu sii adkeeyay silsilado. Wadaadadiina waa ay Quraan saareen.
Markii loo kala tegay ninkii waallida la qoray oo xidhxidhan iyo reerkiisii waagiina u beryay, ayaa ay gabadhii isaga oo bes ah u timi, markaasay ku tidhi, “Tanna miyaa ay qoranayd, bal hadda buugii ka baadh” Inta uu soo booday ayaa uu yidhi, “Naa Ilaahay ka baq oo dib kula hadli maayo, buug dambana waa taan eedaa in aan eegi ee iga furdaami xaaladdan aad I galisay” Kadib waxa ay ku tidhi waayahay ee afkaaga xidho. Markii raggii qoysku duhurkii isu yimaaddeen si ay uga soo wardoonaan ninkii, ayaa ay ku tidhi odayaashii, “Illaa xalay waa uu ladnaa.. oo Quraankii iyo casharkii culimada ayaa dejiyey, markaa bal aynu yara furno oo baxnaanino, haddii ay waxa ku soo kordhaan waan idin la socodsiin doonaa ee” Gabadhan oo qoysku ku ogaayeen baarri, caqli badan oo reerkeeda jecel ayaa markiiba taladeedii nasteex loo arkay. Odayaashii oo marka horeba ku qanacsanaa karaamada wadaadada ay keeneenna waxa ay isu sheegeen in tuftii ay ka filayeen rumowday. Sidii ayaana dhowr maalmood kolba looga soo war doonayey, illaa gabadhii ay xaqiijisay in uu haatan bogsi yahay.
Ninkii waxa uu xaqiiqsaday in aan sir haween laga sal gaadhin. Waxaanu go’aansaday in uu dabeecadihiisa wax badan ka beddelo. Dhammaad