Akhri, Oo Ha Qoslin: Xeeladdii Tuugtu Ay Ninka Doqonka Ah Dameerka Kaga Xadeen

0
1019

Picture8Hargeysa (Geeska)- Qisasa carabtii hore ka sheekeeyaan ee xikmadda iyo maadayska isugu jira mid ka mid ah oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa tidhaahda; “Beri ayaa nin doqon ahaa oo dameer uu ku xamaasho watay ay laba tuug oo ku ogaa doqonnimadu u heshiiyeen sidii ay dameerka uga qaadi lahaayeen. Mid ka mid ah Labadii tuug ayaa inta uu si sanqadh la’aan ah ugu soo dhuuntay ninkii doqonka ahaa oo hogaaminaya dameerkiisii xagga horana eegaya, ayaa inta uu hoggaankii ka furay uu isagu qoorta gashaday dameerkiina tuugii kale yidhi, kaxee. Markii uu tuugii qiyaasay in saaxiibkii la tegey dameerkii ayuu mar keliya istaagey diidayna hoggaankii. Markii uu ninkii doqonka ahaa dib u soo eegay waxa uu arkay in waxa uu hoggaaminayaa uu yahay nin.

Ninkii doqonka ahaa oo aad u naxsan ayaa inta uu ku soo noqday ninkii uu hogaaminayey  ku yidhi, “Waar maxaad ahayd?” Ninki tuugga ahaa ayaa yidhi, “Waxa aan ahaa nin hooyadii caasiyi jiray, kadib inkaar hooyaday igaga dhacday ayaa ii beddeshay Dameer, muddo ayaan dameer ahaa, adna adiga oo aan ogeyn in aan ahay nin habaar hooyadii kaga dhacay dameer ka dhigay igu shaqaysanaysay, Imika ayaa ay hooyadey iga raali noqotay, oo ay dib igu ducaysay, waana loo aqbalay oo waa anigaa ku soo noqday bani’aadamnimadii”

Ninkii doqonka ahaa inta uu argagaxay ayaa uu hoggaankii ka furay kuna yidhi, “Waar, bal orod iska tag” kadib isaga oo aad u naxsan ayaa uu u tegey xaaskiisii oo uu uga waramay sheekadan ku dhacday. Waxa aanu ugu calaacalay in uu aad uga warwarsan yahay sida looga toobbad aqbali doono, maadaama oo waxa ay ku shaqaysanayeen ee muddada dheer ay rarayeen uu aadame ahaa. “Tol’oow, maxaa kaffaara gud inoogu waajibaya” ayaa uu yidhi.

Gabadhii oo hoos u ogeyd odaygeeda xaalkiisa, ayaa markiiba dareentay in la khiyaameeyey, iyada oo cadhaysan ayaanay ku tidhi, “Waar, wax kasta oo aad aragto ama maqasho miyaa aad rumaysanaysaa”

Markii uu ninkii maalmo bilaa camal ahaa ayaa ay xaaskiisii ku tidhi, “Orod inoo soo iibi dameer aad ku xoogsato,” Ninkii doqonka ahaa ayaa yimi Sayladdii markaasuu arkay dameerkiisii oo la soo iib geeyay, dameerkiina markii uu arkayba waa uu gartay una ciyey, inta uu doqonkii u soo dhowaaday dameerkii, oo afka dhegta u saaray, ayaa isaga oo xashaashaqaya uu ku yidhi, “Waar ma Caasiniimadii aad hooyadda kula kacday ayaad ku noqotay, wallee adiga kuma iibsado”