Isbarbardhiga Tirada Golaha Wasiirada Madaxweyne Silanyo Iyo Golihii Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale Kaahin

0
1427

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wuxuu muddooyinkii u dambeeyay marba marka ka dambaysa sii kordhinayey tirada golihiisa xukuumada ee wasiirada, wasiirul dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada, waxaana muuqata inuu ka tiro badanyahay golihii wasiirada ee Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo markii uu talada wareejiyay ay tirada xukuumadiisu ahayd 56 xubnood oo isugu jiray wasiiro, wasiirul dawlayaal iyo wasiir-xigeeno. Xilligaas oo uu Md. Siilaanyo oo mucaaradka hoggaaminayey uu si adag joogto ugu dhalleecayn jiray in ay tirade golaha wasiirradu xadhkahaa goosatay.

Tirada guud ee golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah 57 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiirul dawlayaal iyo wasiir-xigeeno. Madaxweyne Siilaanyo oo madaxweynihii uu talada kala wareegay ku dhaliili jiray xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah islamarkaana aanu wadanka dhaqaale ahaan iska xejin karin ayaa wuxuu balan qaadi jiray wakhtigii ololaha inuu dhisi doono xukuumad kooban isagoo markii la doortay golihiisii u horeeyay ee uu dhisay ku soo koobay 26 xubnood. Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqda hoggaamiye ka baydhay balan qaadkaas uu hore u sheegay, waxaanu isagoo ay dhawr bilood uga hadhsanyihiin shanti sannadood ee la doortay uu faro dheereeyay madaxweynihii uu dhaliili jiray ee Daahir Rayaale Kaahin oo siddeed sannadood oo uu xilka hayay dhisay gole xukuumadeed oo ay tiradoodu tahay 56 xubnood.

Tirada intan leeg ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ee ah golihiisa xukuumadda ayaa waxa cad in dhaqaale ahaan aanu dalka qaadi karin, waxaana sidoo kale cad in tiro badnaantani ay keentay xaaladda siyaasadeed ee wadanka ka taagan iyo weliba ololayaasha siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda.

Si kataba ahaate wuxuu wargeyska Geeska Afrika halkan idiinku soo gudbinayaa liiska golaha wasiirada, wasiirul dawlayaasha iyo wasiir-xigeenada Madaxweyne Siilaanyo, waxaana ay kala yihiin sidan hoos ku qoran.

1. Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md. Cali Maxamed Waran-cadde.

2. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee gobalada iyo degmooyinka Md. Axmed Faarax Cadare.

3. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee amaanka. Md.  Cabdi Daahir Camuud

4. Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland.. Marwo. Samsam Cabdi Aadan.

5. Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada. Md. Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir

6. Wasiiru dawlaha wasaarada maaliyada.  Md.Cismaan Saxardiid Cadaani.

7. Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland.. Md. Maxamed Biixi Yoonis

8. Wasiirka ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada. Md.Mawliid Maxamuud Ibrahim

9. Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada. Dr:Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.

10. Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland.  Md.Cali Jaamac Faarax Buureed.

11. Wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga.Md.  Maxamed Xaaji Aadan Cilmi

12. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland.  Md.Cumar Sheekh Maxamed

13. Wasiirka ku xigeenka xanaanada xoolaha. Md. Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer)

14. Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha Md Aadan Ibraahim Ashqar 

15. Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland.  Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

16. Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo guryeynta. Md.Cali Cabdi Saa’iq.

17. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland.  Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.

18. Wasiir ku xigeenka wasaarada duulista iyo hawada. Md. Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac

19. Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland. Md.Xirsi Cali X.Xasan.

20. Wasiiru dawlaha wasaarada madaxtooyada. Md.Maxamed Muuse Abees.

21. Wasiirka wasaarada xidhiidhka goleyaasha Somaliland. Md.Cali Xaamud Jibriil.

22. Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland.. Md. Maxamed aw-Daahir Ibraahin

23. Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Somaliland. Md. Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)

24. Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare. Md.  Rashiid Ismaaciil Kaahin

25. Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare. Md.  Axmed Nuur Faahiye.

26.  Wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland. Dr.Muuse Qaasim Cumar.

27. Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga. Md.Bashiir Cabdi Xariir.

28. Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arrimaha garsoorka. Md.Xuseen Axmed Caydiid.

29. Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada iyo arrimaha garsoorka. Md. Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab)

30. Wasiirka wasaarada  warshadaha Somaliland.  Md. Shucayb Maxamed Muuse

31. Wasiir ku xigeenka wasaarada warshadaha. Md. Cali Axmed Maxamed (Dhegoole),

32. Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland. Dr.Sacad Cali Shire.

33. Wasiirka ku xigeenka wasaarada qorsheynta. Md.  Cabdikariim Axmed Mooge

34. Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.. Dr.Cabdi aw-Daahir

35. Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada. Md.  Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

36. Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland. Md.Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse).

37. Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta. Marwo. Shukri Xariir Ismaaciil

38. Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland. Md. Baashe Cali Jaamac

39. Wasiiru dawlaha wasaarada biyaha. Md. Cabdisalaan Maxamed Xasan

40. Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland.. Md.Xuseen Cabdi Ducaale.

41. Wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta iyo tamarta. Md.Cabdisalaan Maxamed Xasan.

42. Wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo tamarta.Md. Maxamed Faarax Ducaale

43. Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.. Marwo.Shukri X.Ismaaciil Baandare.

44. Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Md.  Axmed Maxamed Nuur (Indha-case)

45. Wasiirka wasaarada  dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland.. Md. Axmed Cabdi Kaahin

46. Wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska. Md. Yuusuf Cismaan Garas.

47. Wasiirka wasaarada  diinta iyo awqaafta Somaliland.. Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

48. Wasiir ku xigeenka wasaarada diinta iyo awqaafta. Md. Nuur Cismaan Guuleed

49. Wasiirka wasaarada dib-u-dejinta Somaliland. Md.Cali Siciid Raygal.

50. Wasiir ku xigeenka wasaarada dib-u-dejinta. Marwo. Nimco Xuseen Qawdhan

51. Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland. Md.Maxamed Jaamac Abgaal.

52. Wasiir ku xigeenka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta. Md. Cismaan Garaad Soofe.

53. Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland. Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye.

54. Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka. Md. Xasan Daahir Dhimbiil.

55. Wasiiru dawlaha nabadeynta gobalada bari. Md.Cali Maxamuud Axmed(Sandule).

56. Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland. Md.Axmed X.Cali Caddami.

57. Wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga. Md. Jaamac Cabdilaahi Biin.