Nin Is Dilay Markii Uu Arkay Wejiga Gabadh Uu Jeclaa Oo Ay Facebook Muddo 6 Sano Ah Ka Xidhiidhayeen

0
619

Picture2Manila (Geeska)- Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Filibiin ayaa dhintay kadib markii si uu naftiisa u dilo uu iska soo duuray dabaqa lixaad ee xarun ganacsi oo ku taalla degmada Batangas ee dalkaas. Ninkan oo isla markiiba dhintay ayaa la sheegay in uu is dilay kadib aragtidii koowaad ee dhex martay isaga iyo inan uu ka bartay bar-kulanka bulshada ee facebook. Shabakadda The Philippine trend oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay warkan ayaa sheegay in ninkan dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Roberto Ghonsalice intii aanay naftu ka bixin uu ku celcelinayey, “Ma run baa in qofkani uu adigii yahay? Sidee ay u dhici kartaa in aad tahay inantii? Lix sano ayaa aad i khiyaamaynaysay” Dad xog-ogaal u ahaa qisada wiilkan iyo gabadhan ayaa sheegay in labadan dhalinyarada ahi ay bar-kulanka facebook iska barteen muddo hadda laga joogo lix sano, muddadaas oo uu xidhiidh adag oo jacayl dhex maray ayaa ay labadan dhalinyarada ah ee aan is arkin ku heshiiyeen in ay sawirradooda isku weydaarsadaan shabakadda, in kasta oo uu wiilku sawirradiisa saxda ah diray, nasiib darro inantu waxa ay u diri jirtay sawirrada gabadh aan iyada ahayn oo aad u qurux badan, farqi weynina u dhexeeyo. Wiilkan oo inanta aad u jeclaaday ayaa maalintani u ahayd maalin farxadeed maadaama oo ay ahayd markii ugu horreysay ee uu arkayey, laakiin waxaa ku soo baxay qof muuqaalkiisu aad uga fool xun yahay kii uu sawirrada ku arki jiray ee ay maskaxdiisu sawiratay.

Booliiska ayaa markiiba inantan gacanta ku dhigay, hadalladii ay booliiska ku tidhi markii la waraysanayeyna waxaa ka mid ahaa, “Waxa uu igu yidhi uma’ ekid qofkii sawirkiisa aad ii soo diri jirtay. Maadaama oo aanu heerkaa isla gaadhnay ma’aan moodayn in muuqayga iyo quruxdaydu ay muhiimad sidaa u weyn u leeyihiin, waxa aan aaminsanaa in si kasta oo aan u ekahay uu igu aqbali doono”