“Xisbiyada Mucaaradku Yaanay Ka Daba Hadlin Xukuumadda Markay Ka Soo Noqoto Wada Hadalada”

0
652

Picture1Hargeysa (Geeska)-Mujaahid Cabdisalaan-Turki Maxamuud Jaamac Shire (Cabdisalaan Turki),oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM ee dalka u soo halgantay, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in wada hadaladaas laga war sugo, oo aan laga daba hadal Xukuumadda marka ay la soo kulanto Somaliya.

Cabdisalaan Turki oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada, oo uu sheegay in loo dayo Komishanka wakhtiga ay Doorashadu qabsoomaysa, isaga oo tilmaamay in laga feejignado, oo aan lagu gelin diiwaangelin la’aan isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Doorashadii Golaha Deegaanka qaraxii ka dhici gaadhay, ee meel walba gaadhay waa tii la ogaa, in markaas Doorashada Diiwaangelin lagu galo, oo si cadaalad ah loo galo ayaa muhiim ah, in Ninka kursigiisa doonaya inuu Madax ku noqdo qalalase ina gelinaya ma ogolin, in komishanka la sugo, oo wakhitga ay yidhaahdan Doorashadu waa ay naga go’antay in la sugo ayaa wacan, markaas yaan la deg degin”. Cabdisalaan Turki oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wada hadalada Somaliya iyo Somaliland madama qadiyadii la keenay laba mid ayey noqonaysaa, inuu soo xidhmo, iyo in Beesha Caalamku ina soo kala dhex galo, oo madaama qadiyada Somaliland la soo dhigayo Xamar waxa ay u dhaw dahay inay diido, iyada oo marar badan Somaliland iyo Somaliya wada hadleen, taas oo Beesha Caalamkuna ina arkayaan, markaas waxa aan Xisbiyada Mucaaradka leeyahay yaan laga daba hadlin Xukuumaddu waxa ay kala soo noqoto wada hadalada Somaliya aynu eegno, oo yaan laga daba hadlin  iyaga oo maqan”

Mujaahid Cabdisalaan Turki oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Saddexda Xisbi shaqsiyaad ma leh ee Saddexda Nin ee hortaagan waxa aan u sheegaya in Axsaabta  dejiyaan, oo yeeshaan xubno, oo la habeeya”.