Nin Caadaystay In Dumarka Uu Hudheello Cunto Geeyo Kaddibna Lacagta Kaga Baxsado Ayaa La Qabtay

61
3705

Washington (Geeska)- Marjorie Moon farxad baa ay u ahayd ballantii haasaawe ee ay ku kulmeen Paul Guandalupe Gonzales oo ku casuumay hudheel ka mid ah kuwa ugu qaalisan magaalada Los Angeles sannadkii 2016 ka, laakiin farxaddaasi waxa ay ku dhammaatay af kala qaad iyo qaamoow, kaddib markii uu Paul kaga baxsaday bixintii biilka.

Internet ka ayaa ay iska barteen sheeko fiican ayaana dhex martay, kaddib waxa uu ku casuumay hudheelkan oo ay bilowgiiba ka yaabtay cuntooyinka iyo cabbitaannada qaaliga ah ee uu dalbanayey.

Sidii xaaladdu caadi u ahayd ayaa uu taleefan la kacay, waxa aanu u sheegay in ay inyar raalli ka ahaato, laakiin waqtigii ay sugaysay ayaa ku dheeraaday, kaddib mudalabkii ayaa ay ka codsatay in uu ninkii taleefanka ku hadlayey hudheelka dhexdiisa uga soo raadiyo. Nasiibdarro, mudalabkii waxa uu u sheegay in ninkaasi uu mar hore tegey. “Waa aan rumaysan kari waayey” ayaa ay ku tidhi wargeyska Washington Post oo ay u warrantay. Waxa aanay sheegtay in ay bixisay lacagtii cuntada oo noqotay 250 doolar.

Moon waxa ay ka mid tahay siddeedda dumar ah ee laga garanayo haweenkii tobannaanka ahaa ee uu Gonzales oo 45 jir ahi habkan ugaga baxsaday bixinta lacagta hudheello qaaliya oo uu ku casuumay.

Gonzale waxaa la xidhay toddobaadkan, waxa aana lagu soo eedeeyey toban dembi oo dhammaantood la xidhiidha ballaamo haasaawe, waxaa ka mid ah dhibaatayn dumar iyo khiyaamo, ka cadhaysiin iyo tuugo uu laba sano gudahood kula kacay tobannaan dumar ah oo uu hab haasaawe ah u bartay. Waxa aanay dhaceen intii u dhexeysay bishii shanaad ee 2016 illaa bishii Afaraad ee 2018 ka. Paul Gonzalez waxa uu caado ka dhigtay in uu baraha bulshadu ku xidhiidho iyo bogagga haasaawaha ee internet ka barto dumarka, sheeko kaddibna uu ku casuumo in ay isu raacaan hudheellada kala duwan ee magaalada. Laakiin inta uu cuno cunto iyo khamri qaali ah oo aad u badan ayaa uu si sanqadhtirasho ah isaga oo aan cid is dareensiin gabadha miiska ugaga baxsan jiray.

Waxa kale oo dumarkan ka mid ah Diane Guilmette oo iyadana inta uu geeyey hudheel cunto oo qaaliya uu kaga baxsaday biil dhan 163 doolar, kaddib markii cuntadii oo aanay weli si fiican u dhammayn u sheegay in uu taleefan degdeg ah dirsanayo.

Gabadh kale ayaa iyaduna talefishanka CBS u sheegtay in sidii ay u cashaynayeen uu mar keliya istaagay, isaga oo u sheegaya in taleefankiisa gacanta uu dabku ka sii dhammaanayo, isaguna uu taleefan muhiim ah ka sugayo hooyadii, sidaa awgeed uu gaadhiga kala soo baxayo baytariga lagu dabeeyo taleefannada. “Wixii ugu horreeyey ee markii uu kacay aan ku idhi waxa uu ahaa, ‘Maxaad u jeedaa, malaha dib u soo noqon maysid” sidii ay ka baqaysay ayaana ay u dhacday oo dib uguma uu soo noqon. Waxa aanay ku qasbanaatay in ay bixiso biilkii oo noqday 130 doolar.

Mid kale oo ka mid ka mid ah dumarka uu qaabkan u dhacay, waa hooyo carmal ah oo lagu magacaabo Martha Barbara. Waxa ay maxkamadda u sheegtay in bishii toddobaad ee sannadkii 2016 ay is barteen Paul, kaddibna uu ku casuumay casho. Waxa ay sheegtay in marka hore ay ku ballameen hudheel lagu magacaabo Chipotle oo dabaqadda dhexe ah, laakiin markii ay isu yimaaddeen uu ku qanciyey in ay tagaan hudheel qaaliya oo lagu magacaabo Houston Restaurent. Martha waxa ay sheegtay in bilowgiiba ay dareentay in ninkani aanu u ekeyn sawirradiisii uu internet ka ugu soo diri jiray intii ay isbarashadoodu socotay. Nasiibdarro, haddana waxa uu qanciyey in ay raacdo. Paul waxa uu gabadhan ku dhiirrigeliyey in ay cunto badan oo qaaliya cunto, isaga oo ku celcelinaya “Dalbo waxa aad rabto, waxba ha ka warwarin jeebkayga ee dalbo doohkaaga” isaguna dhankiisa waxa uu dalbaday cunto aad u badan iyo cabbitaanno qaaliya.

Martha Barbara oo ka sheekaynaysay sida uu ninkani uga baxsaday. Waxa ay sheegtay in sidii loo sheekaysanayey, uu mar keliya si kedis ah u kacay isaga oo iska dhigaya in uu taleefan ku soo dhacay. Markii uu sii kacayey waxa uu ka dalbaday in ay macmacaan u sii dalbato inta uu taleefanka ku hadlayo, laakiin markaas ayaa araggiisa ugu dambaysay oo dib uma uu soo noqon.

Martha Barbara waxa ay ku qasbanaatay in ay iyadu bixiso lacagtii oo noqotay 120 doolar, waxa aanay maxkamadda ku tidhi, “Khajilaad iyo diiqad ayaa ay igu ahayd, in uu ninkaasi I quudhsaday ayaa aan dareemay, laakiin ma’aan doonayn in aan maamulka hudheelka wax dareensiiyo.” Waxa ay sheegtay in ay ku qasbanaatay in ay isticmaasho lacag ay u haysatay kirada guriga ay ku jirto si ay isaga bixiso biilka lagaga baxsdaday.

Yolanda Laura oo ah gabadh kale oo ka mid ah dumarka uu khiyaameeyey Paul Gonzalez ayaa maxkamadda u sheegtay in mar sannadkii hore ahayd ay ninkan oo ay isbarteen ka aqbashay casuumad hudheelka caanka ah ee West Hollywood. Dabeecadaha ay ku aragtay intii ay wada fadhiyeenna waxaa ka mid ahaa cuntada iyo hadalka oo uu boobayey iyo khamri badan oo nooca qaaliga ah oo uu dalbaday. Markii ay muddo wada fadhiyeen, cuntadiina dhammaysteen ayaa uu la soo baxay taleefanka isaga oo u sheegaya in wiil uu dhalay uu la soo hadlayo, oo uu cabbaar taleefanka la durkayo. Markaas ayaana araggiisa ugu dambaysay.

War uu faafiyey wargeyska The Independent ayaa lagu sheegay in booliisku dacwadda uu ninkan ku soo oogay ku sheegay in hudheellada uu dumarka geeyo uu ka dalbanayey khamriga noociisa aadka qaaliga u ah, hilibka, iyo cuntooyinka badda ee qaaliga ah sida, ‘Aargoosata’. Cuntada kaddib waxa uu cuni jiray macmacaanno iyaguna qiimahoodu aad u sarreeyo.

Ereyada marmarsiinyaha ah ee marka uu doonayo in uu kaco dumarka ku sii odhan jirayna waxaa ka mid ahaa, Taleefankaygii Ayaan gaadhiga ku soo illaaway, taleefanno muhiim ahna waan sugayey iyo suuliga ayaa aan degdeg ugu baahday ee iska sii fadhi.

Booliisku waxa uu sheegay in ninkani intii uu hawshan ku jiray uu la ballamay tobannaan dumar ah oo uu dhammaantood kaga baxsaday lacagtii hudheelka oo aad qaali u ah. Waxaa kale oo dacwadda lagu sheegay in laba hudheel oo ka mid ah hudheellada qaaliga ah ee uu dumarka kaga baxsaday ay go’aansadeen in ay gabadhii uu ka baxsaday iska sii daayaan iyaga oo aan lacag ka qaadan.

Markii ay sheekada ninkani soo shaac baxday ee warbaahinta Maraykanku ay aad uga warrantay ficillada uu ku kacay. Iyo dhacdooyinkii kala duwanaa ee illaa hadda la ogaaday iyo dumarka uu khiyaameeyey kuwooda illaa hadda la gartay.  Ayaa Marjorie Moon oo ka mid ahayd dumarkani iyada oo dareenkeeda ka warramaysa waxa ay tidhi “Amakaag ayaa ay igu noqotay, isma aan lahayn arrintu sidaas ayaa ay u sii fogaan doontaa” Moon waxa ay intaas ku sii dartay, “Weligay isma aan odhan haasaawahaaga ayaa sidan war u noqon doona”

Paul waxa kale oo loo haystaa in uu tima-jare ka xiirtay timahana ka midabaystay, kaddibna kala baxsaday lacagtii. Haddii dembiyadan lagu helana, waxaa la filayaa in lagu xukumi doono 16 sano oo xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here