Madaxweyne Biixi Oo Hargeysa Ku Martiqaaday Diblomaasiyiinta Iyo Khubaradii Shisheeye Ee Dunida Uga Doodi Jiray Somaliland Markii Ay Talada Hayeen Cigaal iyo Rayaale

31
3240

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ku martiqaaday diblomaasiyiin iyo aqoonyahano ajaanib ah oo ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u doodda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadu ka soo saartay martiqaadkan, laakiin warar  xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu doonayo inuu magaalada Hargeysa shir kula yeesho diblomaasiyiintan iyo khabiiradan shisheeye. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu doonayo inuu dib u soo ururiyo saaxiibadii Somaliland ee shisheeye ee taageersan una doodi jiray qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland balse ay sanadihii u dambeeyay kala xidhiidh furmeen Somaliland. Waxaana diblomaasiyiintan iyo khubaradaas loo diray martiqaad, iyadoo la filayo in shirkaasi Hargeysa ku qabsoomo bisha Oktoobar ee soo socota.

Diblomaasiyiintan iyo khubaradan, ayaa la sheegay inay aqbaleen martiqaadka Madaxweyne Biixi islamarkaana waxay xaqiijiyeen inay imanayaan Hargeysa. Khabiirada la martiqaaday waxa ka mid ah Dr.  Greg Mills oo ah khabiir u dhashay dalka Koonfur Afrika in  badana baahiyay qormooyin ku saabsan horumarka Somaliland ee kala duwan. Diblomaasiyiin wadamadooda u fadhiya wakhtigan dalal shisheeye ayaa iyaguna ka mid ah ragga la martiqaaday.

Waxa suurtogal ah in diblomaasiyiintaas iyo khubaradan oo badankoodu Somaliland ku soo xidhmay markii ay talada hayeen Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale, ay tallo iyo aaraah ka dhiibtaan sida ay Somaliland ula jaanqaadi karto isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika.

Waxaanu martiqaadkoodu imanayaa wakhtigan oo ay isbedelo waaweyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale ka bilaabmeen gobalka Geeska Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here