Nin Ay Maxkamadi Ku Xukuntay In Aanu Abidkii Qalin Isticmaalin? Sababta Keentay Go’aankaas

0
674

London (Geeska)- Maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska ayaa nin isla dalkaas u dhashay oo da'diisu 49 jir tahay, waxa ay ku xukuntay in aanu abid qaadan qalinka wax lagu qorto. Xukunka ninkan oo ay maxkamaddu u cuskatay xeer-ciqaabeedka ka yaalla la-dagaallanka dhaqan xumada, ayaa yimi markii ay maxkamadda horteeda ninkan kaga caddaatay in uu qoraallo qaarkood aflagaaddo yihiin ku qori jiray xamaamyada dadka ka dhexeeya, gidaarrada iyo mararka qaarkood kuraasta basaska.

Warkan xiisaha badan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay jariiradda The Guardian oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa intaas ku daray in ninkan oo magaciisa la yidhaahdo David Gel sidoo kale laga mamanuucay in uu qaato qasacadaha uu ku jiro rinjiga loo isticmaalo farshaxanka iyo sawir gacmeedka. David waxaa maxkamadda horteeda kaga caddaatay dacwad ay xeer ilaalinta Ingiriisku ku soo oogtay oo ahayd in uu muddo 3 sano ah dhaqan ka dhigtay qoraalladan oo uu marar badan qorayey naanayso iyo hal ku dhegyo uu dumar wax kaga sheegayo. Sida ay qortay jariiraddani waxa uu booliisku xaqiijiyey in ninkani uu caydan iyo aflagaadadan uu gidaarrada ku qorayo uu si gaar ah ula beegsan jiray gabadh kasta oo cadho ama xumaani dhex marto.