Caafimaadka: Cudurrada Laga Qaado Shaqo Ka Eryidda, Bun Cabbista Badan Iyo Cuntada Oo Aan La Calaalin

0
693

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika oo had iyo jeer u heellan in uu akhristayaashiisa u soo bandhigo mawduucyo, noloshooda anfaca ama aqoon korodhis iyo qoraallo maadays ah ayaa maanta qormadan ku soo bandhigaya dhowr arrimood oo caafimaadka la xidhiidha, kuwaas oo ay muhiim tahay in qof kastaa uu xaqiiqadooda ogaado, waxa aanay kala yihiin:

1. Shaqada oo lagaa eryo waxaa laga qaadaa wadne xanuun: Daraasad cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa baadhitaan dheer oo dhinaca bulshada ah kadib waxa ay soo saartay natiijada ah in qofka oo shaqada waaya ama xattaa ka shakiya suurto galnimada in la eryo uu qaado wadne xanuun. Waxa ay daraasaddu sheegtay in shaqo eriga iyo ka cabsashada shaqa eriguba ay qofka ku keenaan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin, dhiig kar, wadne istaag, xanuuno badan oo ku dhaca wadnaha, faalig kedis ah iyo xattaa macaan.

2. Si aad uga bogsato madax xanuunka iyo buurnida saayidka ah cuntada si fiican u calaali: Dr. Arno Cocol oo ah dhakhtar aad looga dambeeyo oo u dhashay dalka France kuna takhasusay cilmiga cuntada ayaa caddeeyey in cuntada oo si fiican loo burburiyo marka la calaalinayaa ay jidhka ka caawiso in uu dareemo dheregga, taasina ay keenayso in aanay calooshii gelin cunto saa'id ka ah inta uu u baahan yahay. Waxa ay daraasaddu sheegtay in ay u badan tahay in qofka cuntada si fiican u calaaliyaa uu dhergo 15 illaa 20 daqiiqo gudahood, taas oo ka qayb qaadanaysa in uu cunto yar qaato, faa'idada ku jirtaana ay tahay in aanu miisaankiisu ka kordhin inta caadiga ah. Waxa uu digtoorku sheegay in faa'idada kale ee ku jirta cuntada oo uu qofku si fiican u calaaliyaa ay tahay in hawada Oxygen-tu hesho marin faalal u ah oo ay ku gaadhi karto marinada dhiigga ee maskaxda iyo guud ahaan xididdada dhiigga. Tanina waxa ay ka qayb qaadataa in uu yaraado madax xanuunku.

3. Haddii aad Bunka jeceshay koobka toddobaad iska jir: Haddii aad tahay dadka aad u jecel cabbista bunka waxa ay khubarada cuntadu kaaga digayaan in aad maalintii cabto Toddoba koob. Waxa ay khubaradu sheegeen in daraasad cilmiya oo dhowaan la sameeyey ay muujinayso in qofka oo cabba toddoba koob oo bun ah iyo ka badan maalin keliya  uu qarka u saaran yahay in uu miyir beelo ama galo xaalad aan wax badan ka fogeyn sakhrad, waxa ay khubaradu sheegeen in sidoo kale uu qofkani halis ugu jiro dhibaatooyin dhinaca aragga iyo maqalka ah.