Nin Abuurkiisii Beddelay Si Uu Shaydaan Ugu Ekaado Oo Ay Maxkamadi Xukuntay In Aanu Habeenkii Gurigiisa Ka Bixin

0
562

Picture8London (Geeska)-Maxkamad ku taalla dalka ingiriiska ayaa nin dhalinyaro ah ku xukuntay in aanu habeenkii gurigiisa sinnaba uga bixi Karin. Ninkan oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa sida ka muuqata sawirkiisa qormadan la socda, waxa uu isku sameeyey qalniin uu ku dalbaday in loo sameeyo waxa uu ugu yeedhay muuqaalka shaydaanka.

Ninkan ku andacooday in uu shaydaan isu ekeysiinayo oo lagu magacaabo ayaa la sheegay in uu yahay 39 sano jir waardiye ka ah shirkad. Muddo ayaanu mushaharkiisa ka urursanayey lacagta uu qalniinka ku galay oo ahayd 5 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Maxkamadda ayaa Gavin ku xukuntay in uu guriga ka bixi karo oo keliya marka ay gaadho 5ta subaxnimo, laakiin ay qasab ku tahay in uu ku soo noqdo 5-ta Galabnimo isla markaana wax kasta oo ku yimaadda aan loo ogolaan doonin in uu kaabadda gurigiisa istaago haddii uu gabbalkuba dhaco.

Gavin waxa uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu lacag ku bixiyey si loogu sameeyo qalniin carrabkiisa laba falladh loogu kala qaybinayo isla markaana labadiisa kood ee wejiga lagu beerayo walax ka samaysan maadadda Silicon oo jidhka ay ku dhex jirto aan waxba yeelayn, si uu u yeesho wax u eeg laba gees oo wejigiisa hore ka muuqda. Muuqaallada kale ee uu Gavin abuurkiisa Rabbi siiyey ka beddelayna waxa ka mid ah midabka indhihiisa oo uu ka dhigay akhtar (Cagaar) uu ku dhex jiro casaan.

Gavin waxa uu qirtay in magaciisan rasmiga ah uu ka beddelay dhammaan xafiisyada iyo goobaha diiwaan gelinta ee dalka iskuna magacaabay Daiplo Delenevr. Lama garanayo halka uu ninkani ku arkay Shaydaanka ama ku bartay magaciisa laakiin waxa uu ku andacooday in muuqaalkan uu isu sameeyey iyo magaca uu la baxayba ay yihiin kuwo shaydaan. Sida ay Maxkamaddu sheegtay sababta ay xukunkan ugu ridday Gavin ayaa ah in ay ka hortagto in uu Shaydaankani uu habeenkii dadka bajiyo ama dadka u geysto dhibaatooyin kale

Diyaariye:-

Kamaal Axmed Calie

Geeska Afrika