Faafitaanka Dhaqsaha Ah Ee Hamaansigu Dadka Ku Wada Gaadhaa Waa Halxidhaale Culimada Dawakhiyey

0
564

Picture7Waxa aynu hamaansannaa xilliyada caajiska, daalka, gaajada iyo diiqadda.  Hamaansigu waa xaalad si dhaqso ah ugu faafta dadka dhexdooda, oo ay dhacdo in qofku uu hamaansado marka uu arko ama maqlo qof hamaansanaya, ama uu kelmadda hammaansi oo keliya maqlo ama akhriyo. Xitaa xayawaanka iyo dadka ayaa isu gudbiya hamaansiga.

Cilmibaadhiso la sameeyeyna waxa ay daahfureen in hamaansiga ay sida ugu dhaqsaha badan isugu gudbiyaan dadka isu uurka dabacsan ama isu naxariisashada gaarka ahi ka dhaxayso, si ka dhaqso badan sida ay isugu gudbiyaan dadka aanay waxba ka dhexeyn. Waana sababta keenta in dadka isku qoyska keliya ah iyo saaxiibbadu ay si ka dhaqso badan dadka aan is-aqoonin isugu gudbiyaan hamaansiga. Hamaansigu dadka oo keliya isagama gudbo, balse sida ay cilmibaadhis lagu sameeyey xaqiijisay waxaa isu gudbin kara dadka iyo xayawaanka, gaar ahaan marka uu xidhiidh isgarasho oo hore ka dhexeeyo qofka iyo xayawaanka, waa sida eyga rabbaayadda ah, waana halkaay khubaradu kala soo baxeen aragtida ah in dadka isu-diirnaxaya ama isu calool-dabcayaa si aad u dhaqso badan isugu gudbiyaan hamaansiga.

Sababta hamaansiga keenta:

In kasta oo ay khubarada cilmigu ogaadeen in diiqadda iyo culayska nafsiga ah iyo sidoo kale gaajadu ay ka mid yihiin sababaha keena hamaansiga, tusaale ahaan qofka lagu arko marka uu doonayo in uu diyaarad ka goosto dallaayadda lagu boodo (Baarashuud) ama marka uu qofku doonayo in uu galo imtixaan muhiim ah, laakiin haddana natiijooyinkaas ay khubaradu ku heleen daraasado ay sannado badan samaynayeen, marnaba si cilmiya oo kama dambays ah uguma ay ogaanin sabab kama dambays ah oo lagu qanco oo keenta hamaansiga.

Waxaa hore loo buriyey soo-jeedino ay midkood sheegaysay in neefta Ogsijiinta (Oxygen) oo qofka ku yaraataa ay sabab u tahay soo noq-noqoshada hamaansiga. In kasta oo ay khubarada qaarkood diideen, haddana waxaa jirta aaminsanaan xooggan oo tilmaamaysa in hamaansigu uu qofka caajiska ka saaro, maskaxdana baraarujiyo, xeeldheerayaasha aragtidaas qabaana waxa ay xujo ka dhigteen xaaladda hamaansiga marka horeba keenta oo ah, caajiska, daalka iyo qofka oo waxyaabo isku mid ah muddo eega.

Hamaansigu maskaxda ma qaboojiyaa?

Waxaa iyaduna jirta aragti saddexaad oo ay khubarada qaar qabaan, taas oo odhanaysa in hamaansigu uu ka shaqeeyo nidaaminta iyo wanaajinta heer-kulka maskaxda qofka, cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2010kii ayaa tijaabadeedii oo xayawaan lagu sameeyey lagu ogaaday in hamaansigu uu yimaaddo marka maskaxdu ay ka kululaato heerkulkeeda saxda ah, marka la hamaansadan si muuqata uu heer-kulku hoos ugu soo dhaco oo ay qabowdo. Tijaabooyin kuwan la mid ah oo dad lagu sameeyeyna waxaa ka soo baxday in qofka uu hamaansigiisu yaraado marka heer-kulka maskaxdiisa gudaheedu uu ka hooseeyo kulaylka bannaanka ka jira. Laakiin natiijadan waxaa weli hortaagan doodo cilmiya oo ay ka mid tahay in qofku uu xilliga xagaagii ugu hamaansi badan yahay.

Si kastaba ha ahaato ee hamaansigu waa xaalad khubaro badani ay isku dayeen in ay ka gun gaadhaan sababtiisa iyo sidoo kale sababta uu sidaa dhaqsaha ah ugu faafo.