Nin 3 Bilood Madaar Ku Dhex Dhuumanayey Cabsi Uu Ka Qabo Xanuunka COVID-19 Awgeed

0
818

Bilayska Maraykanka ayaa  sabtidii 16-ka Jeenaweri garoonka diyaaradaha ee Chicago ka soo qabtay nin muddo saddex bilood ah isku qarinayey gabbood garoonka gudihiisa ah. Aditya Singha oo ah 36 sano jir u dhashay Maraykanka ayaa bilayska u sheegay in sababta uu garoonka uga bixi waayey, isla markaana muddadaas dheer isu qarinayey ay tahay cabsi uu ka qabay xanuunka Coronavirus.

Aditya Singha 19-kii Oktoobar 2020 kii ayaa uu yimi garoonkan isaga oo ka yimi Los Angeles, illaa 16 kii Jeenaweri 2020 ayaanu ku dhuumanayey garoonka gudihiisa,  isaga oo cuntada si dhuumasho ah u weydiisan jiray dadka musaafiriinta ah. Mararka uu u baahdo in uu garoonka gudihiisa u soo baxana waxa uu qoorta gashanayey kaadha aqoonsiga.

Ugu dambayntii shaqaalaha garoonka diyaaradaha oo arkay ayaa weydiiyey aqoonsigiisa, kaddib waxa uu la soo baxay kaadhkii aqoonsiga agaasimaha waaxda hawlgelinta ee madaarka oo maalmo ka hor ka lumay. Kaadhkaas oo ahaa aqoonsiga uu garoonka ku dhex joogay.

Bilayska ayaa xabsiga u taxaabay ninkan oo ay u diiwaangeliyeen eedo ah gelitaanka meel aan loo ogolayn oo garoonka diyaaradaha ka mid ah iyo tuugo ah xatooyada kaadh aqoonsi oo aanu lahayn. Laakiin maxkamadda oo maalintii Axadda 17-ka Jeenaweri la horgeeyey ayaa xukuntay in damiin lagu sii deyn karo ninkani haddii uu bixiyo kun doolar si dacwaddiisa uu ula socdo isaga oo bannaanka jooga, waxa se laga mamnuucay in uu cag saaro garoon diyaaradeed, inta ay dacwaddiisu socoto.

Laakiin maxkamaddu waxa kale oo ay canaan kulul u jeedisay masuuliyiinta garoonka diyaaradaha oo ay sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in qof muddo saddex bilood ah ku dhex noolaa garoonka iyada oo aanay cidi ogaan, isaga oo isticmaalaya kaadh aqoonsi oo qof kale leeyahay.

Garsooraha maxkamadda ayaa garoonka u soo jeediyey in uu dib ugu noqdo dhinaca ammaankiisa, si loo hubiyo badqabka dadka socdaalaya.