Aqalka Uu Madaxweynaha La Doorto Ee Maraykanku Seexdo Habeenka Dhaarinta Ka Horreeya Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha

0
355

Magaalada Washington ee xarunta dalka Maraykanka waxaa ku yaalla qasri ka kooban afar dhisme oo ah aqalka martida ee madaxweynaha, laguna magacaabo Aqalka Blair. Dhismayaasha aqalkan oo wadartoodu ka kooban tahay 119 qol waxaa la dhisay sannadkii 1824 kii, waxaana sii dhammaystir, qurxin iyo dib u habayn lagu sameeyey marar dambe oo ahayd kontonaadkii iyo siddeetamaadkii kun iyo sagaalkii boqol.

Dhismahan waxaa iska leh dawladda, waxaana inta badan loo isticmaalaa aqalka martida dawladda oo ay u hoydaan madaxda dawladaha adduunka ee booqashada ku yimaadda Maraykanka iyo martida kale ee madaxweynaha u timaadda. Dhismahani waxa uu ku fadhiyaa dhul ka ballaadhan dhulka uu ku fadhiyo aqalka cad ee madaxtooyada Maraykanku, waana uu ka xidhan yahay dadweynaha oo amnigiisa si gaar ah oo adag ayaa loo sugaa. Waxaa dhaqan soo jireena ah in madaxweyneyaasha la doortay ee Maraykanku inta aanu aqalka cad u wareegin, habeenka ka horreeya xil wareejinta inuu u hoydo aqalkan oo aad ugu dhow aqalka cad ee uu maalinnimada si rasmi ah xilkiisa ula wareegi doono.

Madaxweynaha hadda guulaystay ee Joe Biden ayaa bilowgii hore laga shakiyey in uu aqalkan u hoyan doono habeennimada subaxda uu dhacayo caleemo saarku maadaama oo aanu fiicnayn xidhiidhka isaga iyo madaxweynaha xila haya ee uu doorashada kaga adkaaday, isla markaana sida saxda ahi ay tahay in madaxweynaha xilku ka sii dhammaanayaa guriga ku casuumo madaxweynaha la soo doortay. Laakiin arrintaasi waxa ay soo afgo’day markii uu madaxweyne Donald Trump sidii caadiga ahayd aqalkan ku martiqaaday Joe Biden oo sida uu wargeyska Washington Post ku waramay isaguna aqbalay in uu habeenkaas ku beryo gurigan taariikhiga ah, sida uu caddeeyey afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Marayankanka.

Tobannaan sano ayaa uu dalka Maraykanka ka jiray dhaqankan ah in madaxweynaha la soo doortay habeenka ka horreeya maalinta dhaarta uu ku hoydo gurigan Blair House, madaxweynaha hadda xilku ka soo dhammaanayo ayaana ka mid ah oo isaga qudhiisana uu ku soo dhoweeyey madaxweyne Obama oo madaxweynaha hadda la doortay uu markaas ku xigeen u ahaa. Laakiin sannadkii 1992 kii, ayaa madaxweynihii xilligaas la doortay ee Bill Clinton uu doortay in aanu habeenka dhaarinta ka horreeya u hoyan Aqalka Blair house, taas beddelkeedana waxa uu ku hoyday huteel ganacsi oo aan ka fogeyn aqalka Cad.  Sida caadiga ah subaxnimada maalintaas calmeema saarka madaxweynaha la doortay, iyo qoyskiisa iyo asxaabta la joogtaaba waxa ay ku wada quraacdaan dhismahan, ka hor inta aanay tegin kaniisadda oo uu nidaamku yahay in ay ku horreeyaan, kaddibna waxa uu madaxweynaha la doortay tegeyaa aqalka cad oo uu kula kulmayo madaxweynaha uu xilka ka beddelayo, in kasta oo aan la hubin in madaxweyne Trump uu mari doono hannaankaas soo jireenka ah.

Washington Post waxa ay sheegtay in madaxweynihii ugu horreeyey ee ku hoyday aqalka Blair House uu ahaa madaxweynihii 39naad ee Jimmy Carter oo xilkaas loo doortay sannadkii 1977 kii. Tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyeyna waxaa caado noqotay in madaxweyne kasta oo cusubi uu habeenkiisa ka horreeya u hoyashada Aqalka Cad uu halkan ku beryo.

Waxa kale oo uu nidaamka u dejisani dhigayaa in madaxweynaha la doortay inta aanu ka tegin gurigan martida laga rabo in uu saxeexo buug xusuus reeb ah oo yaalla, taas oo noqonaysa saxeexiisa ugu dambeeya ee madaxweyninimada ka hor.

Madaxweynaha la doortay saxeexa buugga kaddib waxaa dhaqan ah in uu casuumad isugu yeedho danjireyaasha iyo dhammaan diblumaasiyiinta shisheeye ee dalka maraykanka joogo, si uu ula socodsiiyo qorshihiisa iyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda oo ay dalalkani danaynayaan, inkasta oo aan imika la filayn kulamo dad badani isugu yimaaddaan sababta soo laba kaclaynta ‘Coronavirus’ awgii.

Aqalka Blair house waxaa asalkiisa lahaa qoys lagu magacaabo reer Blair oo muddo qarni ah jiilba jiil ka sii dhaxlayey, laakiin Afartanaadkii qarnigii dhowaa ayaa madaxweynihii xilligaas talada Maraykanka hayey oo Franklin Roosevelt ahaa waxaa lagu qanciyey in uu dawladda u iibiyo gurigan, si loogu soo dhoweeyo martida muhiimka, arrintaas oo uu fuliyey madaxweyne Roosevelt, iyada oo markaas ka hor madaxweyneyaasha adduunka ee booqashada ku taga Maraykanku ay u hoyan jireen Aqalka cad ee madaxweynuhu deggen yahay. Laakiin qiso xiise badan oo dhacday ayaa sababtay in aqalka cad ee Maraykanka laga joojiyo seexashada madaxda adduuna ee Maraykanka martida u ah.

Raysalwasaarihii Ingiriiska ee Winston Churchill oo mar marti ku ahaa Aqalka cad ayaa goor aanu weli waagu si fiican waagu u beryin oo 3 habeennimo ah waxa uu si kedis ah uga soo baxay qolkii la dejiyey, isaga oo xabbad sigaar ah gacanta ku sita ayaanu ogolaanshiyo la’aan isaga soo galay qolkii hurdada ee madaxweyne Roosevelt iyo xaaskiisa. Kaddibna waxa uu madaxweynaha u toosiyey sheeko iyo hadal qayb ka ah wadahadalladii ay lahaayeen. Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in Churchill aanu qolka gudaha u gelin balse laga joojiyey isaga oo raba in uu galo. Si kasta oo ay arrintani u dhacdayba waxa ay sababtay in Eleanor Roosevelt oo xaaskii madaxweynaha ahi iyada oo ka xun waxa dhacay ay odaygeeda ku qancisay in la joojiyo madaxda dunida ee martida ahi in ay seexdaan aqalka cad, go’aankaas oo uu ogolaaday madaxweynuhu. Mar kale ayaa madaxweynihii Maraykanka ee Harry Truman afar sano oo uu xilka hayey waxa ku noolaa aqalka Blair House maadaama oo shaqo dib u dhis ahi ka socotay aqalka cad.

Muddadii uu Harry Truman deggenaa Aqalkan waxaa ka dhacday qiso kale oo ahayd isku day la doonayey in lagu khaarajiyo. Laba nin oo ahaa wadaniyiin ka soo horjeeday siyaasadaha liberaalka ee madaxweyne Harry Truman oo xisbiga dimuqraaddiga ka tirsanaa ayaa 1-dii bishii Noofambar 1950 kii, si qarsoodi ah guriga u soo galay si ay u khaarajiyaan madaxweynaha, laakiin intii aanay hawshoodu u dhammaystirmin ayuu si kedis ah uga war helay askari bilayska aqalka cad ka mid ahaa oo labadii nin mid ka mid ah dilay, isagana ay si xun u dhaawaceen. Marka laga tago madaxweyneyaasha Maraykanka ee habeenka dhaarta ka horreysa u hoyday aqalkan, waxa kale marar badan aqalka Blair house loo ogolaadaa madaxweyneyaasha xilka bannaynaya, oo muddo yar degganaada si ay fursad ugu helaan in ay si deggen aqal gaar ah ugu guuraan ama haddii aqal loo diyaarinayo ay ku sugaan.

Laakiin, qisada kale ee xiisaha leh ee gurigan la xidhiidha waxa ay ahayd sannadkii 2009 kii, markii madaxweynihii xilka bannaynayey oo Barak Obama ahaa uu maamulka aqalkan ka codsaday in uu laba toddobaad sii deggenaado inta uu diyaarsanayo aqalkiisa gaarka ah, laakiin maamulka aqalka Blair House ayaa dalabkaas madaxweyne Obaama diiday, maadaama oo intii aanu isagu codsan ka hor aqalka loo diyaariyey in uu dego raysalwasaarihii xilligaas ee Ustareeliya John Howard oo ka qaybgalayey aas loo samaynayo madaxweyne hore oo Maraykanka. Aqalkan waxaa si gaar ah u maamula xafiiska madaxa hab maamuuska aqalka cad oo kaashanaya waaxda ammaanka diblumaasiyiinta iyo waaxda maamulka ee wasaaradda arrimaha dibadda.