Naxdin Ayuu La Miyir Beelay Markii Nin Uu U Haystay Mayd Oo Uu Sawirayey Ku Kacay

0
934

Picture9Belgrade (Geeska)- Wargeyska Bilitch oo ka soo baxda magaalada Belgrade ee xarunta dalka Serbia ayaa ka warrantay in nin booliis ah oo u dhashay dalkaasi uu naxdin miyir beelay kadib markii mayd uu sawirayey uu kor u soo qaaday madaxa. Arrintani waxa ay dhacday mar booliiska magaalo warshadeed ku taalla 120 Km, koonfurta magaalada Belgrade loogu yeedhay inay baadhaan guri qol keliya ah oo uu iska lahaa nin aan indho la saarin muddo laba toddobaad ah. Kadib markii ay derisku gudaha qolkan oo hoosta ka xidhnaa ay ka dareemeen ur u eeg qudhun. Dad qolkan deris la’ ahaa ayaa la hadlay booliiska, waxa aanay u sheegeen in ay u malaynayaan in ninkii guriga lahaa ku dhintay gudaha guriga.

Nin booliiska ka mid ahaa oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi, "guriga ayaanu galnay, ninkani waxa uu u muuqday mayd, mid ka mid ah saaxiibbadaydii baadhitaanka ee ila socday in uu sawiro, ayaa la soo baxay kamaraddiisa si uu u sawiro ninkan aanu maydka u haysannay, laakiin mar keliya ayaa uu ninkani hadlay madaxana kor u soo qaaday. Dhammaantayo waanu naxnay, saaxiibkayna isagu waabu miyir beelay" waxa markii dambe caddaatay in ninkan oo kelidii gurigan ku nool talefanna aan lahayn uu gaajo darteed la miyir beelay laba toddobaad ka hor, ninkan oo uu miisaankiisu ahaa 30kg oo keliya, waxaa markiiba lala gaadhay cisbitaalka.

Ninkan waayeelka ahi waxa uu qabay nabarro jiifkii badnaa ku dhashay oo keenay ur, waxaanu qabaa xanuun dhinaca hab-dhiska dheef-shiidka ah, laakiin sida uu booliisku sheegay waxa uu hadda awood u leeyahay in uu dadka la xidhiidhay.