Madaxweynihii Hore Ee Iraan Axmedi-Nejaad Oo Sheegay In Aanay Niyaddu U Degeyn Illaa Uu Arko Calanka Shahudada Oo La Sudhay Guriga Cad Ee Maraykanka

0
897

Picture10Tehran (Geeska)- Madaxweynihii hore ee dalka Iraan Maxamuud Axmdi-Nejaad ayaa sheegay in aanay niyaddu u degeyn illaa uu arko calanka shuhadada oo laga taagay guriga cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka. Axmedi Nejaad oo hadalkan jeediyey mar uu dhowaan booqday magaalada Caabidaan oo ku taalla koonfurta galbeed ee dalka Iraan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Ma xasilayo, illaa uu dalkaygu ku guulaysto in uu calanka shuhadada ka dul taago guriga cad ee Maraykanka oo uu ka dul babbado”

Axmedi-Nejaad waxa uu hadalkan u jeediyey dad ku soo dhoweeyey deegaannadii uu dagaalkii siddeeda sano ahaa ku dhex maray dalkiisa iyo dalka Ciraaq, halkaas oo uu booqasho ku tegey sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Basij waxa kale oo hadalladiisa ka mid ahaa, “Qiyamka kacaanku si munaasib ah aaa ay ugu guurayaan jiilka labaad… waxaa waajib ah in shacabka Iraan ay ku faanaan kacaanka u ilaaliyey qiyamkii diiniga ahaa iyo kii hiddaha iyo dhaqanka ahaa, waxa aynu haysannaa wanaag aan wax loo dhigaa jirin, waxaana innagu waajib ah in aynu si fiican u ilaashanno” Wadaadka ugu sarreeya jamhuuriyadda Iiraan Aayatullaah Cali Khaamani’ ayaa isna toddobaakdii hore booqasho ku tegey isla goobtan uu hadda booqday Axmedi Nejaad, waxa aanu hadal u jeediyey dad tiro badan iyo ciidamada dalka Iraan ee aggaas joogay isaga oo si aad ah u ammaanay waxa uu ugu yeedhay qiyamka kacaanka.

Labadii sano ee ugu dambeeyey xukunkii madaxweyne Nejaad ayaa waxaa aad u xumaaday xidhiidhka u dhexeeyey isaga iyo hoggaamiyaha diiniga ah ee dalkaas ugu awoodda badan, waxaana khilaafkooda ugu weyni uu ka bilowday maamulidda wasaaradda sirdoonka ee dalkaas, muddooyinkii u dambeeyeyna Nejaad waxa uu aad uga dheeraaday in algu arko munaasabadaha uu joogo Ayaatullaah Khaamana’i. Axmed Nejaad oo muddo Siddeed sano ah madaxweyne ka ahaa dalka Iraan ayaa lagu tilmaami jiray in uu yahay shakhsiyad muran badan ka dhalisa masraxyada siyaasadda ee dunida, waxa aanu caan ku ahaa sida dhiirran ee uu u weerari jiray Maraykanka iyo Israel. Axmedinajaad oo ku adkaa hirgelinta himilada Nukliyeerka ee dalka Iran waxa uu ku doodi jiray in aanay waxba ka jirin xasuuqa ay Yuhuuddu ku andacooto in uu Hitler u geystay, isaga oo isla markaana ku celcelin jiray in Israel khariiradda caalamka ay ka bixi doonto.