NASA Oo Ogaatay In Meelo Dayaxa Oogadiisa Ka Mid Ah Uu Baraf Fadhiyo Iyo Muhiimadda Ay Arrintaasi Leedahay

22
2972

Washington (Geeska) – Saynisyahanno ka tirsan wakaaladda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA magaceeda loo soo gaabiyo ayaa caddeeyey in dayax oogadiisa laga helo biyo baraf ah, kuwaas oo ay mustaqbalka isticmaali karaan cirbaxeenka taga dayaxa dushiisa.

Warbixin lagu faafiyey majaladda Maraykanka ah ee PNAS oo arrimaha cilmiga ka faalloota ayaa lagu sheegay in ay daraasado dhowr ah ooh ore sheegeen in ay biyo ka jiraan oogada dayaxa. Waxa kale oo jira laba cididhif oo woqooyi iyo Koonfur ah iyo daloollo dahaadhan oo aanay fallaadhaha qorraxdu gelin. Heerkulkuna abidkii hoos uma dhaafo qiyaas ah 150 digree oo eber ka hoosaysa.

Maadaama oo dayaxa oogadiisa laga helay baraf dhowr milimitir oogada dhulka kor uga kacsan, waxa uu macnaheedu yahay in hadda kaddib safarrada dayaxa lagu tegeyo loo helay il biyood fududaysa in waqti intii hore ka badan la sii joogo dayaxa dushiisa, waxa aanay sabab u noqon doontaa in aqoon iyo xogo cusub laga helo dayaxa. Waxaa jiray biyo hore loogu ogaa dhulka dayaxa hoostiisa, laakiin kuwan hadda la helay isticmaalkoodu waa uu ka fududaan doonaa kana dhaqso badnaan doonaa kuwo dhulka dayaxa hoostiisa ku jiray. Shau Li, oo ka tirsan maxadka Hawaii ee cilmiga dhulka, gaar ahaan daraasaadka dhulka hoostiisa (Geophysics) iyo cilmiga meeraha ee (Planetary) ayaa wakaaladda wararka ee FP u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee ay saynisyahannadu helaan tilmaamo wax-ku-ool ah oo muujinaya in ay biyo baraf ahi ka jiraan dayaxa oogadiisa. Waxa se uu sheegay in aan weli la hubin in biyahaasi ay yihiin kuwo dadku isticmaali karaan. Sida keliya ee lagu ogaan karaana ay tahay in dayaxa loo diro qalabka Aadame-la-moodka ah si ay saamballo uga soo qaadaan biyahaas, kaddibna loogu baadho shaybaadhada dhulka dushiisa, loona hubiyo suurtagalnimada isticmaalkooda.

Wakaaladda hawada saree e dalka Maraykanka (NASA) ayaa go’aansatay in ay dayaxa dushiisa u dirto khubaro ka qaybqaata sahaminta barafka dayaxa dushiisa lagu arkay iyo wixii xogo dheeraad ah la xidhiidha, waxa aanay noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo bishii Laba iyo tobnaad ee sannadkii 1972 kii, ee dayaxa aadame loo diro.

Cilmibaadhayaal ayaa sannadkii hore ogaaday in dayaxa hoostiisu uu hodan ku yahay biyo, waxa aanay xogtooda ku dhisayeen xogo uu soo ururiyey dayaxgacmeed lagu sahamiyey biyaha ku jiri kara dhulka dayaxa hoostiisa.

Waxa hore loo xaqiijiyey in biyo laga helo meereyaasha kale ee Dusaa (Mercury) iyo Farraare (Mars) isaga dhowaanna mar kale la ogaaday in ay haraweyn oo biyo ahi oogadiisa ku hoos jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here