Naasnuujinta Dabiiciga Ahi Waxa Ay Hooyada Ka Ilaalisaa Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca Iyo Faaligga

0
617

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in hooyooyinka ilmahooda naaska si fiican u siiya ay ku yaryihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo dhiigfuranka maskaxda (Faalig). Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, ayaa ay muddo 8 sano ah tijaabadeeda ku sameynayeen shaybaadhada caafimaad ee 289 kun oo dumarka dalka Shiinaha ah iyada oo ay cilmibaadhayaashu si gaar ah u eegayeen celceliska xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxda ee ku dhacay dumarka tijaabada lagu sameeyey oo iyaguna u qaybsanaa kuwo ubadkooda naaska nuujin jiray iyo kuwo aan nuujin.

Natiijada cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool ayaa lagu sheegay in cilmibaadhayaashu ay ogaadeen in hooyooyinka ilmahooda naaska si caadi ah u jaqsiiya, ay boqolkiiba 9 hoos u dhacday cabsidii ahayd in ay wadne xanuun yeeshaan halka boqolkiiba 8 ay hoos u dhacday cabsida looga baqayo sababaha keena dhiigfuranka maskaxda. Waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in mar kasta oo muddada ay hooyadu ilmaheeda naaska ku duweysaa ka badato 6 bilood ay sii yaraanayso khatartan caafimaad illaa heer ay gaadho boqolkiiba 44 in ay meesha ka baxdo. Tusaale ahaan hooyada ilmaheeda naaska siisa Laba sano oo ah inta ugu badan ee ilmaha la siiyo.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in xilliga uurka uu isbeddel ku dhaco nidaamka dheefshiidka ee gabadha uu isbeddel weyn oo dabiici ahi ku yimaaddo. Waayo waxa uu jidhku bilaabaa in uu dufan aad u badan oo marka hore uu burburin jiray uu markan kaydsado, sababtuna ay tahay in uu u isticmaalo koritaanka ilmaha uurka ku jira. Haddaba marka ay hooyado umusho waxa ay umushaa iyada oo jidhkeeda uu ku kaydsan yahay dufan aad u badan, sida ugu habboon ee dufankaas ay si dhaqso ah uga takhalusi kartaana waa naasnuujinta ilmaha, oo dufanku uu caanaha soo raacayo.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna daahfuray in naasnuujinta dabiiciga ahi aanay ilmaha oo keliya faa’ido u lahayn, balse ay sida oo kale faa’ido u leedahay hooyada, kana caawiso in ay bogsado xanuunnada iyo garaaca waqtiga badan sii jira ee ay isku aragto hooyada, gaar ahaan marka aanay si dabiici ah u dhalin ee tusaale ahaan lagu qalo ilmaha.

Hayadda caafimaadka adduunka ayaa iyaduna ku Talisa in caanaha hooyadu ay noqdaan quudinta ugu muhiimsan ee ilmaha la siinayo illaa uu gaadhayo 6 bilood, waxa aanay kula talisay hooyada in ay lixda bilood kadib ilmaha u sii waddo naaska, iyada oo ugu daraysa cunto adag, illaa uu gaadho ugu yaraan hal sano.