Muuse Biixi Oo Ka Xog-waramay Shir Uu Kaga Qayb Galay Maroko

0
564

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa faah-faahin ka bixiyay Shir uu kaga qayb-galay Dalka Marooko oo lagaga hadlayay hannaanka Xisbiyadda Dimuquraadiga ah ee Afrika. Guddoomiye Muuse Biixi oo shalay dalka ku soonoqday  ayaa wuxuu sheegay in shirka lagaga hadlay qodobo badan oo khuseeya ganacsiga Afrika. Ugu horan Muuse Biixi, oo ka hadlaya shirkaas uu ka qayb galay wuxuu yidhi  “Waxaan tagay Shir lagu qabanayay Marooko oo ay iskugu imanayeen Xisbiyada Afrika ee inta badan ku Abtirsada Dimuquraadiyadda, Waxa Shirkaasi iskugu yimid 24 Dal Xisbiyadoodda oo qaaradda Afrika oo dhan ka kooban iyo Jasiiraddaha ku yaala Bad-weynta Indian Ocean iyo Atlantic-ga. Shirkaasi waa Sanadle waa Urur ay Xisbiyadda Dimuquraadiga Afrika leeyihiin oo la aasaasay Sanadkii 2003-dii wuu soo korayay hadda wuxuu marayaa meel aad u wanaagsan.”Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Anagu (Xisiga KULMIYE) waxaanu ka nahay Xubin, labaddii Sanadood ee u dambeeyay intii hore goob-jooge ayaanu ahaan-jirnay waxaanu geynaa oo kaga doodnaa laba, Qodob mid waxaanu la wadaagnaa Afrika oo ah Dhaqaalaha , Dawlad wanaaga iyo sida Khilaafaadka loo damiyo. Midna waxa weeyaan Somaliland oo aan la Ictiraafsanayn, dabadeedna waxaanu hadda iyo jeer kaga hadalnaa Qoraalo kaga war-bixinaa Somaliya oo la Ictiraafsan-yahay ma jirto oo mid dhisan maaha oo Xisbiyadu ka hir-galeen oo Baarlamaankeedda Xisbiyo soo-saareen, Somaliland-na Baarlamaankeedu wuxuu ka kooban-yahay saddex Xisbi.” Ayuu yidhi Muuse Biixi. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu intaas ku daray “Haddana waa Meesha ay Saddex Madaxweyne isku badaleen si Nabad ah, Afrikana badankeedda waxay ku noqotaa Mucjiso lala yaabo, Sanadkan waxaanu kaga nimid in la qaato laba Go’aan ka hore oo ah in Afrika la isku furayo Ganacsigeedda , iyo ka labaad oo ah in Ururaddu ay ku xidhiidhsamaan Midowga Afrika oo Xisbiyaddu waxay soo-saareen ay Qorsha ku xidhiidhiyaan si ay halkaasi uga soo baxdo Horumarka Ganacsiga iyo Aqoontu uga soo baxdo, Anagu Somaliland ahaan waxaynu ka mid nahay Waddamadda ugu faca-weyn ee aasaasayaasha ka ah. Shirkana waa kii saddexaad oo aanu ka qayb-galno”.