“Waxaan La Yaabay OPU Dawlado Waaweyn Baa Ka Shakiyay, Way Ogyihiin OPU Waxay Tahay”

0
470

Picture4

Hargeysa(Geeska)Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Waracade, ayaa ka hadlay shakiga beesha caalamku ka qabto ciidanka illaalinta shirkaddaha shidaal baadhista ee Oil Protetion Unit(OPU) ku tilmaamay mid been ah islamarkaana ay isticmaalayaan Macluumaad khaldan oo laga siiyay ciidanka,waxaana uu sheegay in ciidankaasi qayb ka yihiin ciidamada kale ee hoos yimaada wasaaraddiisa kana tirsan ciidanka booliska Somaliland.

“Waxaan la yaabay OPU Dawladdo waaweyn baa ka shakiyay, way ogyihiin OPU waxay tahay. Illaahay mahaddiiye dawladdii Somaliya waxay inooga tagtey hub, Cunaqabatayn baa ina saarnayd oo haddaynaan maanta hub haysan, hubkaasi waxa uu ku jiraa gacan aamin ah oo dawladdeed, waxaad arkaysaan in hubka intaa leeg ee aynu dhaxalnay haddana yahay mid aynaan dareensanayn oo in dalka lagu difaaco mooyee in dadka shacabka ah wax lagu yeelo meesha uma yaalo”Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran-cadde.

Mudane Warancadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxay leeyihiin dawladdaha qaar iyo Beesha Caalamku, hubkaasi wuxuu khatar galinayaa Somaliya iyo waddamada deriska ah, waxaan halkan ka caddaynayaa inay been tahay, waxaan halkan ka caddaynayaa inay isticmaalayaan war khaldan oo la siiyay,ciidanka OPU wuxuu ka mid yahay ciidanka booliska, waxayna hoos yimaadaan wasaaraddayda.ciidamada hoos yimaada wasaaradda aan madaxda ka ahay waxaa ka mid ah Ciidanka OPU,SPU,CID,RRU,laanta socdaalka(Immigration) iyo ciidanka Illaaladda xeebaha, waxaana ka baxsan ciidanka qaranka ee balaadhan.”.

Ugu danbayntii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde,waxaa uu sheegay in haddii ay doonayaan in ay waxyeelo ay u gaystaan dalka Somaliya ay awood u leeyihiin in ay illaa Xamar ay mar qudha qabsadaan balse aanay xuduudahii Ingiriisku dhigay mar qudha ka gudbin.

“Haddaynu doonayno inaynu Somaliya wax yeelno,waxaynu awood u leenahay inaynu si tartiib ah oo degan macaal Xamar dib ugu qabsano laakiin, ma yeelo, taakana kama gudubno xuduudii Gumaysigu dhigay 1884 ee Inaga iyo Somaliya inoo dhexeeyay”Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran-cadde.