Guddoomiye-xigeenka Guddigii Hore Ee Doorashooyinka Oo Maanta Si Rasmi Ah Ugu Biiraya Xisbiga Waddani

0
538

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Xubin ka tirsan guddigii hore ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu biiraya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxaana loo samaynayaa munaasibad soo dhawayn ah.

Guddoomiye xigeenkii guddiga doorashada ee hore Md. Cali-Khadar Xasan Cismaan ayaa maanta si rasmi ah ugu biiraya xisbiga Waddani, waxaana Cali-Khadar uu hore guddiga doorashada uga soo galay xisbiga KULMIYE, iyadoo uu wakhtigaas soo xulay Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa guddoomiyaha KULMIYE.

Cali iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid tahay Faadumo Siciid oo dhawaan iyana ku biirtay xisbiga, ayaa waxa maanta uu xisbiga Waddani u samaynayaa xaflad soo dhawayn ah.

Cali-Khadar, ayaa ah siyaasi furfuran oo bulshada ku xidhan, waxaanay masuuliyiinta xisbiga Waddani aaminsanyihiin in Cali ku soo biirin doono cudud iyo taageerayaal badan.

Toddobaadkii hore waxa xisbiga Waddani ku biiray siyaasiyiin magac iyo miisaan bulshada ku dhex leh oo ka soo wareegay xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Siyaasiyiintaas ayaa isugu jiray wasiiro hore, badhasaabo hore iyo agaasimayaal hore oo xilal u qabtay Madaxweyne Siilaanyo.