Muslimad Ka Tirsan Ciidanka Maraykanka Ayaa Ku Cabatay in Askartu Ay Ku Sheegaan DAACISH

0
1154

Washington (Geeska) – Askariyad muslim ah oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sheegtay in askarta ay ka wada tirsan yihiin ciidanku ay ku sheegaan in ay aragaxiso tahay, iyo in ay xubin ka tahay ururka Dawladda Islaamiga ah ee DAACISH.

Sesiiliya Faldofiinoos oo ah 26 sano jir, xijaab xidhatay kaddib markii ay diinta Islaamka qaadatay sannadkii 2016 kii, waa askariyad darajada saddex xadhiglaha ah oo muddo toddoba sano ah ku jirtay ciidamada Maraykanka. Waxa aanay dhowaan ka soo laabatay dalka Afqaanistaan oo ay muddo hal sano ah ka mid ahayd ciidamada Maraykanka ee dalkaas hawlgallada u joogay.

Askariyaddan ayaa hadda wadda daraasad ay iyada iyo qareennadeedu ku ogaanayaan suurtagalnimada in ay dacwad ku soo oogto wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka, gaar ahaan qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay ka tirsanayd iyo askarta ay soo wada shaqeeyeen. Mar ay jimcihii 5-ta Abriil la hadashay talefishanka ABC ee dalka Maraykanka waxa ay sheegtay in intii ka dambaysay markii ay diinta Islaamka qaadatay, ay cidhiidhi aad u badan kala kulantay shaqada. “Askarta aanu wada shaqayno oo xitaa mid taliyeyaasha ka mid ahi ku jiraa waxa ay igu sheegi jireen in aan argagaxiso ahay, iyo in aan xubin ka ahay ururka DAACISH” ayaa ka mid ahaa hadalkeeda.

Waxa ay sheegtay markii ay dib ugu soo noqotay dalka  Maraykanka iyada oo soo dhammaysatay shaqo hal sano ahayd oo dalka Afqaanistaan ah in darajadeedii ciidannimo hal darajo hoos loo dhigay, arrintaas oo xidhiidh muslimnimadeeda.

Laakiin afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa mar uu isla talefishanka ABC la hadlay waxa uu qiray in askariyaddan hal darajo oo ciqaab ah hoos loo dhigay, laakiin waxa uu beeniyey in ay taasi xidhiidh la leedahay diinta islaamka ee ay raacday. Afhayeenku waxa uu sheegay in sababta darajadan looga jaray ay ahayd iyada oo fagaare ka cambaaraysay amar uu taliyaheedu siiyey oo ahaa in ay raacdo anshaxa ciidanka ee la xidhiidha timaha”

Qareenka Sesiiliya oo isaguna la hadlay talefishanka ABC ayaa sheegay in ay go’aan ku gaadheen in ay dacwad soo oogaan, laakiin ay weli go’aansanayaan in dacwaddaas ay u gudbiyaan guddiga Maraykanka ee xuququda madaniga ah ama maxkamadaha federaalka. Qareenku waxa uu sheegay in soo oogista dacwaddani ay toddobaaddo ku qaadan doonto, maadaama oo ay doonayaan in ay soo dhisaan dacwad xoog leh. Sida uu hadalka u dhigay.

Bishii hore ayaa saldhigga ciidamada Maraykanka ee Fort Carson oo ah ka ay ka hawlgelaysay askariyadda muslimka ahi, waxa uu soo saaray warmurtiyeed uu ku sheegayo in ‘Sarkaal sare uu askariyaddan ka dalbaday in ay bixiso xijaabka, si uu u hubiyo in ay fulisay shuruudihii la xidhiidhay xiirista timaha askariga. Laakiin markii ay xijaabkii iska qaadday uu arkay in ay timaha gebi ahaantoodba jartay, arrintaas oo aanu sharciga ciidanku ogolayn.

Warka ka soo baxay saldhigga ay askariyadda muslimka ahi ak tirsanayd ayaa intaas ku daray in aan marnaba gabadhan laga dalban in aanay isticmaali Karin xijaabka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here