Murashax Hadal-Halmaamkiisa Oo Badan Looga Joojiyey Ol’olihii Iyo Trump Oo Masiibo Ku Sheegay

0
991

Washington (Geeska) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka oo hadda ka mid ah murashaxiinta xisbiga dhexdiisa uga tartamaya murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga uga qaybgelaya doorashada soo socota ayaa lagu qasbay muddo in uu hakiyo ol’olaha doorashada ee uu maalmihii u dambeeyey ku jiray, kaddib markii ay joogto noqdeen hilmaamka hadalka ee ka dhacayaa.

Hadallada sida aan ku talagalka ahayn uga dhacaya madaxweyne ku xigeenkii hore ee Barak Obama ayaa ku noqday nabar joogto ah oo ay ku dhaliilaan xitaa siyaasiyiinta xisbigiisa ee kula tartamaya murashaxnimada. Hadallada ka dhaca Joe Biden oo illaa hadda ah murashaxa ugu rajada badan in uu ka soo dhex baxo xisbiga Dimuqraaddiga ayaa qaarkood marka uu yidhaahdo kaddib uu is xasuustaa oo uu dib ka saxaan, halka ereyada qaarna uu qaladkaas ku dhaafo.

Joe Biden oo 76 sano jir ah ayaa hilmaamkiisa badani uu warwar ku abuuray masuuliyiinta sare ee xisbigiisa, gaar ahaan kuwa og in uu ku guulaysan karo murashaxnimada xisbiga, iyaga oo ka baqanaya in marka uu murashaxa xisbiga noqdo kaddib uu Trump si fudud ugaga adkaan doono doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Donald Trump oo marar kala duwan weeraray Joe Biden oo saddex sano ka weyn ayaa sheegay in uu yahay nin aan la shaqayn buuxda ka haysan xisbigiisa.

Hadallada sida gaarka ah dareenka dadka ugu soo jeediyey carab siibashada Joe Biden, waxaa ka mid ahaa markii toddobaadkii hore isaga oo khudbad ka jeedinaya gobalka Iow uu sheegay in carruurta fuqarada ahi ay fariiddo u yihiin sida carruurta caddaanka ah. taas oo loo fahmay in uu doonayey in uu sheego in faqiirnimada iyo maalqabeennimadu aanay kala reebin carruurta loona arko in ay isku mid yihiin, si kasta oo ay u kala dhaqaale badan yihiin, laakiin hilmaamkiisa awgeed bixiyey faham ah in uu yahay cunsuri carruurta caddaanka ah u haysta in ay dadka kale ka sarreeyaan.

Hadallada kale ee cabsida ku sii kordhiyey dadka ka warwar qaba xusuusta Joe Biden waxaa ka mid ah in hawlo dhacay isaga oo sannad ka sii maqnaa xilka madaxweyne ku xigeenka uu ku sheegay in ay dhaceen xilligii uu xilka hayey oo dadkii ay ku dhacdayna uu la kulmay. Mar kale waxa uu isku qalday magacyada laba dumar ah oo hore raysalwasaare uga soo noqday dalka Ingiriiska, laakiin waqti dheeri u dhexeeyey, waa Margaret Tatcher iyo iyo Teressa May.

Madaxweyne Trump ayaa isaguna markii uu ogaaday in muddo la nasinayo ninka ugu awoodda badnaa murashaxiinta la filayo in ay la tartamaan sannadka 2020-ka, sababtuna ay tahay hillowga iyo hilmaamka badan ee lagu arkay, ayaa uu taageerayaashiisa u sheegay in doorashada Biden ay masiibo tahay. Isaga oo horena ugu tilmaamay duq aan maskax ahaan u awoodin in uu madaxweyne ka noqdo dalka Maraykanka.

Trump oo taageerayaashiisa fagaare kala hadlaya ayaa weydiiyey bal in uu jiro ol’ole doorasho oo ka fiican kiisa oo ay ogyihiin, markii loo sheegay in aanu jirinna waxa uu mar kale isaga oo qoslaya yidhi, “Bal Ka warrama ol’olaha Biden ka luloonaya?”

La taliyeyaasha murashax Joe Biden, ayaa la sheegay in ay ku taliyeen in inta ka horreysa doorashooyinka uu aad u yareeyo fagaare ka hadalkiisa, si loo yareeyo dacaayadaha xoogga badan ee ka dhashay qaladaadka dhinaca hadalka ah ee lagu arkayey muddooyinkan dambe, taas oo haddii ay sii socoto dhaawac ku keeni karta doorashadiisa madaxweynenimo. Inkasta oo dad kale oo isla xisbiga dimuqraaddiga ahi ay bilaabeen dood ah in haddii Joe Biden uu yareeyo tegitaanka fagaarayaasha iyo hadallada dadweynaha uu u jeedinayo, in ay taasi dhaawaci doonto rajada guusha doorashada madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here