Samsung Oo Toddobaadka Dambe Suuqa Soo Gelinaysa Taleefanka Ay Shaashaaddiisu Ugu Tayada Badnayd

0
1001

Shirkadda ‘Display Mate’ ayaa dhowaan soo saartay warbixin ay kaga warramayso sida ay u kala tayo iyo adkaysi badan yihiin muraayadaha taleefannada gacanta ee casriga ahi.

Warbixinta ayaa talefanka ay soo saarto Samsung ee ‘Galaxy Note 10 plus’ oo soo baxay bishan aynu ku jirno ee Ogosto, u dooratay in uu yahay ka ugu muraayadda fiican dhammaan taleefannada casriga ah ee illaa hadda suuyqada adduunka soo galay. Waxaa isaguna la mid ah isla taleefanka ‘Galaxy Note 10’ oo isku mar ay soo baxeen laakiin ka yara yar ballac ahaan.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay in camarada wajahaadda ee taleefankan ‘Galaxy Note 10 plus’ ay ku hoos jirto shaashadda, taas oo macnaheedu yahay in ay ka ilaashan tahay xoqniin iyo jabis sahlan oo soo gaadha.

Talefankan oo bishan Ogosto 23-keeda suuqyada si rasmi ah u soo geli doona ayaa ay warbixintu sheegtay in uu tayo ahaan iyo adkaysiga guud marka la eegaba aad uga fiican yahay dhammaan taleefannada illaa hadda soo baxay, oo ay ku jiraan xitaa taleefananda shirkadaha waaweyni soo saaraan, ama shirkadda Samsung laftigeedu ay soo saarto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here