Murashax Dhiirran Ee Madaxnimada Maraykanka Donald Trump Oo Lagu Eedeeyey In Uu Ka Qayb Galay Filimo Jinsi Ah

0
581

1Washington (Geeska)- Sida muuqata murashaxa doorashooyinka madaxtinimada ee dalka Maraykanka u tartamaya ee Donald Trump ayaa xilli uu weli ka soo kaban la’ yahay jabkii ba’naa ee ka soo gaadhay dooddii murashaxnimo ee dhowaan la galay haweenayda uu guriga Cad ula tartamayo ee Hilary Clinton ayaa jimcihii toddobaadkii hore bilaabay weerar uu rogaal celis jabkaas uga dhigay oo isaga iyo taageerayaashiisu ay Clinton ku eedaynayaan in ay ku lug yeelatay samaynta filim jinsi ah.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegay in jawaabtii hadalkaas Trump ay noqotay mid aanu filayn oo ka timid meel aanu filayn. Qof aan illaa hadda la aqoonsan cidda uu yahay ayaa markii uu Trump hadalkan yidhiba waxa uu faafiyey Fiidyo si cad u muujinaya Trump oo ka qayb qaadanaya filim jinsi ah oo ay soo saartay majaladda Play Boy. Arrintan ayaa fadeexad weyn ku noqotay Trump oo in kasta oo uu filimkan ka muuqdo isaga oo dharka xidhan, haddana dad badani u arkeen in wax kasta in uu sameeyey aanay wax fog ahayn, mar haddii uu ogolaadayba in uu ka soo muuqdo, gaar ahaanna marka la eego dad badan oo filimka ka muuqda iyaga oo markaas qaawan, arrintani waxa ay nafis u noqotay Hillary Clinton oo anau hadalka ka sokow Trump wax caddayn sidan oo kale ah u keenin eedda uu u jeediyey iyada.

Tartankan oo dadka Maraykanka ah ee u dhuun-daloolaa ku tilmaameen mid loollankiisu adag yahay oo meel aad u fool xun dhaqan ahaan la isla gaadhay, ayaa sida warbixintan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya lagu sheegay, Trump waxa uu dooddii uu la galay Hillary Clinton ka sheegay in uu iska joojiyey in uu faraha la galo soo bandhigidda fadeexadaha shakhsiga ah ee uu sheegay in ay dul hoganayaan Hilary Clinton iyo odaygeeda hore madaxweynaha u noqday ee Bill Clinton, waxa aanu ku dooday in soo fiqista fadeexadahaas uu u deynayo sababtat inantooda Chelsea oo marka uu hadlakan lahaa fadhiday safka hore ee daawadayaasha doodda labada murashax.

Isla maalintii Jimcaha ayaa uu mar kale Donald Trump si aad u fool xun u xaqiray Elisa Machodo oo ah haweenay u dhalatay dalka Venezuela oo sannadkii 1996kii qaadatay taashka quruxda adduunka, balse imika Maraykanka ku nool, gabadhan ayaa maalintii doodda labada murashax waxa ay Hilary Clinton ku eedaysay Trump in uu gabadhan si fool xun hore ugu caayey mar uu u jawaabayey, isaga oo ku tilmaamay doofaar. Doodda kadib ayaa ay Clinton casuumad u fidisay gabadhan Elisa Machodo oo iyaduna sii kululaysay weerar adag oo ay maalmihii u dambeeyey warbaahinta u marinaysay murashax Trumpp.  Isaga oo arrintaas ka jawaabaya ayaanu bartiisa twitterka si aad u fool xun mar kale ugu aflagaadeeyey, waxa aanu soo dhigay wax uu ku sheegay filim Jinsi ah oo muujinaya gabadhan Elisa Machodo oo ka qaybgashay. Hillary Clinton oo uu ku tilmaamay budhcad, ayaanu ku eedeeyey la macaamilka gabadhan dhaqanka xun sida uu isagu u dhigay.

Waxaa la filayaa in Trump uu maalmaha soo socda xaaladda sii xumayn doono, soona bandhigi doona fadeexado Jinsi ah oo la xidhiidha madaxweynihii hore ee Bill Clinton oo isaga hore arrimahaas marar badan loogu sheegay, waxa aanu Trump aaminsan yahay in ceebta Hillary ay tahay in ay fadeexadahaas iska indho tirtay, in dad dhibbanayaal ah oo odaygeedu sumal-xad ku sameeyey ay iyagii weerartay, ama siisay lacag ay ku aamusiinayso arrimahaas oo ah fadeexad aan miisaankeedu yarayn marka loo eego xaqiiqada hore ee jirtay ee ah xidhiidhada Bill Clinton.