Japan Oo Ku Soo Biiray Tartanka Iibsiga Dameeraha Waxyaabaha Uu Ka Samaynayo Oo Cunto Iyo Kiriimo Ka Mid Yihiin Iyo Dal Afrika Ah Oo Ka Iibinaya Nus Milyan Dameer

0
662

1Tokyo (Geeska)- Qormadii ku soo baxday cadadii khamiistee ee boggan Googooska oo cinwaankeedu ahaa, “China Oo Doonaya In Uu Iibsado Dameeraha Dunida

Oo Dhan Si Uu Uga Sameeyo Dawooyin Iyo Cunto, Dalal Afrikaan Ah Oo Bilaabay In Ay U Dhoofiyaan Iyo Kuwo Diiday” waxa aynu ku soo xusnay in dalka China oo ka warwar qaba in ay ku yaraadaan xayawaanka dameeraha oo warshadhiisu ay ka saaraan maadadda Gelatin ee lagu daro samayska dawooyinka, kiriimada iyo cuntooyinka qaar uu wado ol’ole ballaadhan oo uu dillaaliin iyo ganacsato u diray daafaha dunida si ay dalka China ugu soo iibiyaan dameer.

Sidoo kale waxa aynu sheegnay in dalalka Afrika oo dameeruhu ka mid yihiin gaadiidka, gaar ahaan dhulka miyiga ah aadka looga isticmaalo ay ku qabsan yihiin iibka iyo dhoofinta dameerahan, iyada oo dalalka qaar oo imika laga dhoofiyaa ay bishan mamnuuceen, kuwo kale oo Kenya ka mid tahayna ay ogolaadeen in dameeraha dalkooda la dilo oo warshdaha China ay iibsadaan, in kasta oo weli tirada ay ogol yihin 100 maalintii ku xaddidan tahay.

Qaybtanna waxa aynu ku eegaynaa war kale oo isaguna mar kale ka marag kacayo tartanka warshadaha dawada, cuntada iyo kiriimadu ugu jiraan in ay helaan dameero badan oo ay ka saaraan maadda Gelatin. Warkan oo uu Geeka Afrika ka soo xigtay Alcarabiya ayaa waxa uu sheegayaa in shirkadda Komaho oo soo saarta dawooyinka lagana leeyahay dalka Jabbaan ay dhowaan dalka Masar ka dalbatay in uu ka iibiyo hal Milyan oo dameer.

Sida uu baahiyey mid ka mid ah wargeysyada dalka Masar shirkadda Komaho waxa ay dawladda Masar la gashay heshiis qiimihiisu gaadhayo Nus Milyan doolar, oo dameerahan lagaga iibinayo, waxa aanay shirkaddu sheegtay in ujeedada ay dameeraha u doonaysaa ay tahay in ay kala baxdo maadadda Gelatin oo haragga dameerku uu hodan ku yahay, si ay ugu adeegsato sancaynta dawooyinka ay samayso.

Haragga dameerku waxa kale oo uu hodan ku yahay Barootiinta afka cilmiga lagu magacaabo Collagen oo aad loogu daro dawooyinka loo isticmaalo coodh-coodhka wejiga iyo guud ahaan maqaarka ku dhaca. Dawooyinkan oo dalka Jabbaan uu ka mid yahay dalalka aad u soo sameeya.

Sidoo kale maqaarka dameeraha ayaa lagu wadaa in laga sanceeyo rabadhka galmada ee raggu isticmaalo (Condom), kaas oo sababaha lagu doortay maqaarkan ay ka mid tahay adaygga iyo qaradiisa oo ay khubaradu sheegeen in uu ku habboon yahay in rabadhkan uu noqdo, sidoo kale jileeca, iyo kala bixista rabadhka ah ee aanu go’ayn ayaa lagu doortay. Intaas oo keliya ma’aha ee warbixintan uu Geeska Afrika turjumay waxaa lagu xusay in maqaarka dameeraha laga helo dufan dux fiican leh oo loo isticmaalo samaynta qaar ka mid ah kiriimada iyo walxaha kale ee jidhka la marsado si loogu qurxiyo.