Jaamac-Shabeel Oo Farriin Nabadeed U Diray Reer Ceel-Afweyn

0
791

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa baaq u diray labada Beelood ee wada dega Deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgalyada, kana digtoonadaan aano iyo aargoosi, aanay Diinta Islaamku ogolayn waxaanu kula taliyey inay ilaaliyaan heshiiskii dhexmaray, iskana dhex qabtaan cid kasta oo fidno ka dhex abuuraysa.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay ‘Waxaynu nahay umad Muslim ah oo ALLE ku karaameeyey diinta xaqa ah ee Islaamka, inaynu Islaanimadeena ilaashano oo aynu ka fogaano wax kasta oo khatar galinaya Islaanimadeena iyo Akhiradeena ayaa loo baahan yahay, aano iyo aargoosina janno laguma galo, faana maaha, ee waa  maan-gaabnimo iyo toobad la’aan, dad aan waxba galafsan oo aan dambi lahayn, haddii gardaro lagu dilo, oo loo dilo aano iyo cidaas ayey isku reer yihiin, faan noqon mayso, ee cidda hadba talaabadaas xun ee aargoosiga ah qaada ayaa akhiradeedii iska xumaysay, ee labada beelood ee habar lamaan waxaan leeyahay qaabkii la idinku soo gurmaday waad ka war haysaan, in Culimo,Odayaal  Aqoonyahan, iyo Siyaasiyiinba la idinku soo gurmaday waad ka war haysaan, ducada la idin duceeyey waad ka war haysaan, oo waad og tihiin qaabka la idin heshiisiiyey, ee heshiiskiina ilaaliya, oo dadka balaayada iyo fidnida dhexdiina ka dhex wada iska qabta, oo hadaad wax kala dishaadan, waa ka dhimay iyo kugu dhimay, idinka ayuun baa wax is yeelaya, dagaal faa’iido ma keeno, wiilna kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, ee dagaal dambe dhexdiina ayaanu ka dhicin, oo heshiiskaas la idin heshiisiyey ilaaliya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here