Muqdisho: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Shalay Lala Eegtay AMISOM

1
581

Muqdisho (Geeska) – Weerar Ismiidaamiin ah oo shalay Jimcihii lala beegsaday gaadiid ay wateen Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ku dhintay dad tiradoodu lagu sheegay 10 ruux.

Weerarkan oo ka dhacay jidka KM4 ee madaarka diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho oo u dhow xarunta hay’adda UNDP, ayaa waxa kle oo ku dhaawacmay 2 askarta AMISOM ah, kuwaasi oo la socday gaadiidka weerarka ismiidaaminta ah lala beegsaday.

Wararka laga helay weerarkan, ayaa sheegaya in gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey lala eegtay mid ka mid gaadiid dhowr ah oo wateen ciidamada AMISOM, kaasi oo sababay khasaare aad u badan “Qaraxu wuxuu ahaa mid loo adeegsaday gaadhi miineysan oo dabada ka galay gaadhi ay wateen ciidamada AMISOM, waxaan arkay laba ka mid ah askarta AMISOM oo uu goobta ka qaadayay gaadhi ambalaas ah oo ay leedahay AMISOM” sidaa waxa saxaafada u sheegay dadkii goob-jooga ahaa.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aaden Xaamud oo isaguna hadlay ayaa xaqiijiyey dhaawaca labada askari ee ciidamada AMISOM.

Weerarkan ismiidaaminta ah oo aanay weli cidna sheegan masuuliyadiisa, ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay tiro dad shacab ah, kuwaasi oo wakhtiga weerarkani dhacay halkaasi marayey.

Weerarkan oo noqonaya kii labaad ee muddo bil gudaheed ah ka dhaca Magaalada Muqdisho isla-markaana khasaare intaasi leeg ka dhasho, ayaa waxa cambaareeyay ergayga xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nickalos Kay, waxaanu weerarkan ku tilmaamay weerar argagixiso oo lagu waxyeelaynayo shacabka.

Soomaaliya iyo Somaliland

Comments are closed.