Siyaasiga Cabdilaahi Jawaan Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
585

Picture2Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga caanka ah Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib muddo uu ku maqnaa dalka boqortooyada Ingiriiska.

 

Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo noqday guddoomiyaha iyo guddoomiye xigeenka guddigii hore ee doorashooyinka Somaliland, oo ka soo kicitimay Magaalo madaxda dalka Ingiriiska ee London, ayaa waxa uu soo maray dalka Itoobiya.

Cabdilaahi Jawaan, ayaa ka hor intii aanu Somaliland ku soo laaban soo maray Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaanu halkaasi kulan kula soo yeeshay masuuliyiinta maamulka Soomaalida Itoobiya, waxayna ka wada hadleen arimo la xidhiidha danaha ka dhexeeya labada shacab ee Somaliland iyo Soomaalida Itoobiya, siiba sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka wada shaqeynayneed ee dhanka nabadgalyada, maadaama oo nabadgalyadu tahay shay labada dhinacba muhiim u ah.

Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay qaar ka mid ah wax garadka iyo siyaasiyiinta magaalada reer Hargeysa. Cabdillaahi-jawaan ayaa la filayaa inuu dhawaan saxaafadda la hadlo.