Maamulka Gabiley Oo Bilaabay Dhismaha Jid Laami ah oo Dhexmaraysa Gudaha Magaalada

0
641

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maamulka Dagmada Gabiley ayaa shalay si rasmiya u bilaabay Dhismaha Wado Laamaya oo dhex maraysa Gudaha Magaalada Gabiley, isla markaana ay hirgalinayaan masuuliyiinta Dawlada Hoose ee Degmada Gabiley, bilawga wadadaas waxa goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobollka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi, Mayaarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cabdiraxmaan Nuur Abokor, iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada Gabiley, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi.

 Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose Cabdiraxmaan Nuur Abokor waxana uu faah faahin ka bixiyey Mashaariicda dhamaatay iyo kuwa socda, waxaanu sheegay inay dedaalkoodii laba laabeen. Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, ahna Guddoomiyaha Dhulka ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa ka dhawaajiyey inay dadweynaha reer Gabiley u baahan yihiin waxqabad.

Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyey inay markii u horaysay Magaalada Gabiley ka hirgalin doonaan Dugsiga Farsamada Gacanta, waxaanu yidhi ”Waxaanu bishan ooda ka qaadnay mashaariicdii, waxaanu kaliya u baahan nahay in  la iskaaya garab taago, wixii aanu ku qaldanahayna na loo sheego, hada Gabiley may lahayn Dugsigii Farsmada Cacanta, laakiin dhawaan ayaynu dhisaynaa, dhulkiina waanu u helnay, Badhasaabka ayaa dhagax dhigi doona, cid kasta oo wax ka gaysanaysa waynu soo dhawaynaynaa, dugsigii labaad ee haayada Mercy Corps iyo Dawlada Hoose ay iska kaashanay ee dhawaan ayaynu xadhiga ka jaraynaa, runtii waktigii horumarka ayaynu gaadhnay waxaanu doonaynaa inaanu qaadno koobka horumarka” ayuu Maayarku yidhi. Gabo-gabadii waxaa soo afmeeray Badhasaabka Gobollka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi, waxaanu sheegay in horumarka ka socda Gobolka Gabiley aanu ka socon caasimada, laakiin dadweynaha reer Gabiley ay ka indho la’ yihiin, waxaanu yidhi “Waxaynu maanta bilaabaynaa dhismaha jid laamay ah oo dhex mari doona magaalada, Degmada Gabiley waxaa ka socda horumar faro baddan, oo aan ka socon caasimada, laakiin dadweynaha reer Gabiley indhahoodu ma arkayaan, masuuliyiinta Degmadu mashaariic hor leh ayay bilaabeen, shalayna Riigii biya qodayay ayaanu gaynay Tuulada Botor, marka Ramadaantu dhamaatana garoonkii Diyaaradaha Kala-baydh ayaynu furaynaa, Jaamacada dib u habayn ayay ku samaynaynaa, waxyaabo badan ayaa soo socda, waxaa loo baahan yahay midnimo iyo wada jir, oo horumarka laga qayb galo” ayuu Badhasaabku hadalkiisi ku soo koobay.