Qofkii Ugu Horreeyey Ee Ingiriisku U Xidhay Qaadka La Mamnuucay oo Somali noqday

0
683

London (Geeska)- Nin dhalashadiisu Soomaali tahay ayaa salaasadii toddobaadkan dalka Ingiriiska  loogu xidhay dacwad ah isku-day kontarabaanin manadooriye, kadib markii la qabtay isaga oo doonaya in uu Qaad ula tallaabo dalka Faransiiska. Ninkan oo da’diisu 20 jir tahay ayaa la qabtay 24 saac oo keliya kadib markii dalka Ingiriiska uu ka dhaqan galay sharciga Qaadka xaaraantimaynaya, laguna daray maandooriyaha mamnuuca ah, waxa aanu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee dalka Ingiriiska loogu xidho haysashada qaadka.

Ninkan ayaa 7.40 subaxnimo ee waqtiga dalkaas isaga oo wata gaadhigiisa lagu joojiyey bar-kaantarool oo ku taalla dhabbaha badda hoostiisa mara ee isku xidha dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaana uu booliisku ku sameeyey baadhitaan caadiya oo si lama filaan ah lagaga helay Qaad ay booliisku ku qiyaaseen 500 Kilogaraam.

Wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa sheegay in Qaadka uu ninkani sitay laga soo saaray barkimooyinka-jiqilka ee Gaadhiga, buudhka uu ninkani xidhnaa gudihiisa iyo weliba kursiga dambe ee gaadhiga hoostiisa. Afhayeen u hadlay booliiska degmada Kent ee ninkan qabtay ayaa yidhi, “Waxa aanu aaminsanahay in uu yahay xadhigii ugu horreeyey ee kiis noocan ah dalka Ingiriiska cid loogu xidho, habeen badhkii 24kii Juun ayaa si rasmi ah Qaadka loogu aqoonsaday in uu ka mid yahay daroogada heerka C”

Dalka Ingiriiska ayaa dhowaan soo saaray sharcigan Qaadka ku daraya daroogada, waxa aanay masuuliyiinta dalkaasi ku doodayaan in sababta sharcigani ay tahay in muwaadiniinta laga ilaaliyo caafimaad darrada ka dhalan karta Qaadka iyo in laga hor tago in Qaadku uu noqdo bu’da Kontarabaanka ee Qaadka oo ka mamnuuc ah dhammaan dalalka reer Yurub looga gudbiyo. Sharcigan Qaadka ee Ingiriisku soo saaray waxa uu mamnuucayaa in la beero, laga ganacsado, la cuno ama si uun loo haysto. Qofka lagu qabto isaga oo haysta Qaadna waxaa marka hore la siinayaa digniin, mar labaadka waa ganaax lacageed oo qaddarkiisu u dhigmo 100 doolarka Maraykanka ah, wixii intaas ka dambeeyana ruuxa lagu qabtaa waxa uu mutaysanayaa xabsi u kala duwan hadba qaabka loogu qabtay, iyada qofka lagu qabto isaga oo qaybinaya ama haysta qaad uu ku talo galay in uu qaybiyo (Iibiyo) ama dadka lagu qabto iyaga oo dalka Ingiriiska u soo dhoofiyey Qaad ay mutaysan doonaan xabsi gaadhaya 14 sano iyo ganaax lacageed.