Daladda Saxafiyiinta Aan Xuduuda Lahayn Oo Cambaareeyay Xukunka Lagu Riday Masuuliyiinta Haatuf

0
709

Picture4Hargeysa(Geeska)-Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee loo yaqaano Reporters without borders ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka adag ee lagu riday madaxda iyo masuuliyiinta Wargeyska Haatuf. Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayay maxkamadu ku xukuntay saddex sannadood oo xadhig ah, halka ay tifaftire Axmed Cali Cige ku xukuntay afar sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay wargeyska ku xukuntay maxkamadu konton milyan oo ah lacagta Somaliland oo ganaax ah iyo liisankii meherada Haatuf oo la laalay. Madaxda Afrika ee ururkan Reporters without borders Cléa Kahn-Sriber, ayaa maxkamadda Hargeysa wuxuu ugu baaqay inay xukunkaas laasho, “In saxafiyiintan xabsi loo diraa waxay jebinaysaa xeerarkii uu maamulkani dejisteen, maxaa yeelay xeer ciqaabkeedka Somaliland uga yaala qaladkaadka warbaahintu maaha xabsi. Sidaas darteed xukunadani waxay buruinayaan xeekrii yaalay.” Ayuu yidhi agaasimaha without borders u qaabilsan qaaradda Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Waa saxafiyiintii oo lagu ugaadhsanayo keliya in ay guteen waajibaadkoodii shaqo ee ahaa tebinta wararka.  Xukunnadani dhinac kasta waa ka sharci darro, sidaa awgeed maxkamadda Hargeysa waxa aanu ugu baaqaynaa in ay buriso xukunkaas.” Xukunka lagu riday saxafiyiinta Wargeyska Haatuf iyo weliba xayiraada saaran Haatuf, Somalilandtimes iyo Hubaal ayaa wuxuu dhaawac u gaystay sumcadii Somaliland ee ilaalinta xorriyadda hadalka iyo Dimuqraadiyadda.