Guurku Waxa Uu Ka Hortag Fiican Ka Yahay Xanuunnada Maskaxda Ku Dhaca Ee Xusuusta Lumiya

0
620

Picture8Cammaan (Geeska)- Guurku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka maskaxda, waxa uu dawo ka hortag u noqdaa isku dhex daadashada maskaxda ee marka uu qofku da' noqdo inta badan dhacda, ama xataa asaasaqa oo isaga oo cudur ah marar ku dhaca qof aan da' ahaan weynayn. Sidan waxa lagu ogaaday daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro ku takhasustay cilmiga Sayniska oo u dhashay dalalka la isku yidhaahdo Scandinavian. Waxa ay daraasaddani sheegtay in guurku dawo fiican oo ka hortag ah u yahay asaasaqa gabawgu keeno, iyo guud ahaan daciifnimada mararka qaar ku timaadda maskaxda.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Ar-ra'yi ee ka soo baxda dalka Urdun ayaa lagu sheegay in dadka da'doodu tahay meel-dhexaadka ee soolanaha ah (Kelida u nool) halista ay ugu jiraan in ay waayaan ama ay si xoog leh hoos ugu dhacdo kartidooda maskaxeed ay laban-laab ka badan tahay ragga dhiggooda ah ee iyagu xaasleyda ah ama ugu yaraan qoyska ku dhex nool. Daraasaddan intii la waday waxa baadhitaan lagu sameeyey dad tiradoodu dhantahay 1400 oo isugu jira rag iyo dumar, waxa aanay ugu dambayntii khubarada samaysay daraasaddu sheegeen in guurku si weyn u dhawro guud ahaan caafimaadka qofka gaar ahaan bed-qabka maskaxda.