Mufti Ka Digay In Zakada La Siiyo Dadka Dawarsada Iyo Cidda Uu Ku Taliyay In La Siiyo

0
589

muftiRiyadh (Geeska/Alwatan)- Sheekh Cabdalcaziiz Aala Sheekh oo ah muftifa dalka Sucuudiga ayaa khudbad uu jimcihii dhowaa ka jeediyey Masjid Jaamica Imaam Turki ee ku yaalla caasimadda dalka Sucuudiga waxa uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha Zakada maalka oo inta badan lagu beego bishan aynu ku jirno ee Ramadaanka.

Sheekha oo ka hadlay qaabka loo sakaynayo ka ganacsiga saamiyada oo uu sheegay in zakada laga rabo raasamaalka iyo Faa’idada labadaba waxa kale oo uu ka warramay dadka ku haboon in Zakada la siiyo.

Sida uu ku warramay wargeyska Alwatan ee ka soo baxa dalka Sucuudigu waxa uu Aala Sheekh khudbaddiisan kaga hadlay Axkaamta Zakada isaga oo aad uga digay in la siiyo sakooyinka dadka dawarsadayaasha ah. Sheekhu waxa uu caddeeyey in qofka muslimka ahi haddii uu garan waayo cid faqiir ah oo ay Zakadu si fiican ugu baxayso ay tahay inuu ku bixiyo barnaamijyada daryeelka bulshada ee ay dawladdu maamusho.

Muftiga ugu sarreeya dalka Sucuudigu waxa uu ku baaqay in Zakada maalka la siiyo dhalinyarada awoodi kari weyday in ay guursadaan, isaga oo caddeeyey in ay lagama maarmaan tahay in dhalinyaradan Zakada la siiyo si looga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen guri ay degaan (Qoyskooda cusub la degaan).

Sheekhu waa uu caddeeyey in ay sidoo kale waajib tahay in Zakada wax laga siiyo qofka dhalinyarada ah ee shaqeeya balse mushaharka uu qaataa aanu ku filnayn biilka iyo nolosha qoyskiisa ubadka oo badan ama sababo la mid ah awgood, iyada oo loo eegayo keliya in mushaharkiisu uu ka yar yahay in uu daboolo baahiyihiisa lagama maarmaanka ah. Ugu dambayntii Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in Zakada la siin karo qofka deynta lagu leeyahay ee iska bixin kari waaya.