Shirkada SBI Oo Wasaaradda Waxbarashada Ku Wareejisay 2500 Oo Buuga Sama-Doon Ah

0
445

sbiHargaysa( Geeska )-Wershadda Sharaabka ee SBI ayaa  2500 oo ah nuquladda Buugga Samadoon ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashadda iyo Taclinta sare ee Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare  waxa ka soo qayb Galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku Xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibriil, Marwo Edna Aadan Ismaciil, Mareeyaha Warshadda Sharaabka ee SBI Md. Mustafe Cismaan Geelle, marti sharaf iyo masuuliyiin kale oo ka socotay wasaaradda Waxbarashada.

Hadal kooban oo uu ugu horeyn halkaas ka soo jeediyay Abwaanka Hindisay buuggan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye), waxa uu kaga waramay dariiqii dheeraa ee u u maray samaynta buugan. Waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay maamulka OGF iyo SBI oo uu tilmaamay in ay yihiin maal-geliyeyaashii iyagu qaybta libaax leh ka qaatay soo saarista Buugaasi.

Waxa uu tilmaamay in muddo dheer ay ku qaadatay ururinta iyo habaynta buugan, marka laga tago suugaantiisana ay ku dhan tahay in badan oo ka mid ah suugaantii ay tiriyeen abwaanadii hore, waxaanu xusay inay ku dhan yahiin manhajka ardayda ee luuqada Somaliga ayana tahay sababta uu buugan u hindisay taas. Maxamed Cabdilaahi Xayd oo wasaaradda Waxbarashadda u qaabilsan Dugsiyadda sare oo isna ka mid ah masuuliyiintii ka hadashay buugaasi ayaa sheegay in uu yahay mid wakhtigii ku haboonaa soo baxay.

Waxa aan abwaanka qoray uga mahad celinayaa sida fiican ee uu Buuggaasi uga sheekeeyay suugaanta iyo waliba dhaqanka, markii aan dhuuxayna waxa uu yahay mid gabi ahaanba anfacaya ardayda Dugsiyadda kala duwan ee Somaliland.

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in uu Buuggani Yahay mid ka fog mid iska hor keeni kara bulshadda, waxaanu Abwaanka uga digay in aanay suugaantiisu noqon mid bulshadda qaybaheeda kala duwan kala fogaysa, balse uu mar walba ku dedaalo sidii ay u noqon lahayd mid wanaagga bulshadda dhexdeeda ka talisa. Waxaan hadalkiisa kamid ahaa“Sidii dadkii iga horeeyayba ay u sheegeen runtii Buuggani waa mid wax badan kaga duwan kuwii hore, waxaana ka muuqda farshaxanimo, laakiin waxa aan Abwaan Ismaaciil uga digayaa in aanay suugaantiisa sida tii hore ee Soomaalida oo kale noqonin, waayo wakhtiyadii hore laba beelood ayay dadku isagu gabyi jireen, halkaasna colaado ayaa ka dhalan jiray, laakiin waxa aan leeyahay abwaanka suugaantaadu waa in ay noqotaa mid ka fog kala qaybin, balse waa in ay ahaataa mid isu soo dhaweysa bulshadda walaalaha ah.”“Waxa aan iyagana jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo warshadda sharaabka ee SBI oo uu inagala joogo maareeyeheedii Md. Mustafe Cismaan Geele, runtiina waa deeq lagu farxo buugaagtan ay Wasaaradda soo gaadhsiiyeen”? ayuu yidhi Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaasi kalmado kooban ka soo jeedisay ayaa xustay in Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi uu dedaal dheeri ah geliyay sidii uu Buuggan u soo sari lahaa “Wakhti hore ayuu maalin iigu yimid cusbitaalka, waxa uu sitay bushqado waraaqo ah, waxa uu igu yidhi waxa aan doonayaa in aan Buugga soo saaro, halkaana waxa aan u imid in aad i caawiso.

Waxa aan ku idhi waxa aad samaysaa Computerkaas qaado oo marka hore adigu garaaco, si ay kaaga kala fududaadaan bushqadahan waraaqaha ah ee aad sidataa, sidii buu yeelay Waana kaas ku guulaystay in uu dhamaystiro, runtii waa ii farxad? ayay tidhi Marwo Edna Adan Ismaaciil.

Gabogabadiina Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna si weyn uga mahad celisay Warshada Sharaabka ee SBI Deeqdan Buuggaagta ee ay ku wareejiyeen waxaanay xustay in ay tahay deeq aan la iloobi Karin. Waxa aan ku faraxsanahay in aan Warshadda Sharaabka ee SBI kala wareego Deeqdan Buugaagta oo ah nuqul ka mid ah buugga Samadoon ee uu qoray abwaan Yuusuf Ismaaciil. “Runtii intii aan halkan fadhiyay ayaan ku dhaygagay Buuggan, waxaanan ku arkay gabayo aan wakhti hore iloobay, dib ayaanu ii xasuusiyay, waxa aan abwaanka leeyahay wax fiican ayaad samaysay oo aad ku mudan tahay in lagugu amaano.”

Mustafe Cismaan Geele, oo ah maareeyaha sharaabka SBI ayaa si rasmi ah wasiirka waxbarashada ugu wareejiyay deeqdaas buugaagta ah.