Yuusuf Garaad: Naxligii BBC Somali Oo Baxay

1
763

garadYuusuf Garaad, wuxuu inoo sheegay inuu iska casilay xilkii madaxtinimada ee BBC Somali, waxase la xaqiijinayaa in la eryay oo shaqada si rasmi ah looga joojiyay.

Yuusuf mudadii uu joogay BBC Somali, wuxuu idaacadda ku soo kordhiyay dabci aan hore looga baran, waxaanu baabiiyay tayadii idaacadda oo uu u rogay sida Radio Muqdisho amaba idaacad uu reerkiisu leeyahay islamarkaana uu mariyo aragtiyihiisa siyaasadeed iyo danihiisa gaarka ah.

Inkastoo uu Yuusuf Garaad isu arko nin wax badan ku soo kordhiyay idaacadda BBC, haddana waxa hubaal ah inuu mudadaas idaacadda dhabarka ka jebiyay, ka dib markii uu ka dhigay mid lagu baahiyo warka iyo faaladda uu ogolyahay ee aan ka soo horjeedin danihiisa siyasaadeed. Dhawaan waxa la ogaa inuu Ilma Ismaaciil Samatar kula bahoobay urur siyaasadeedka Hiil Qaran balse lagu kala dhaqaaqay markii lagu heshiin waayay dano siyaasadeed oo qarsoonaa, waxaana laga warqabaa markii la is qabtay inuu idaacadda ka joojiyay Barnaamijyadii ururkaas oo mar kasta oo uu xaflad qabsado war laga samayn jiray.

Yuusuf Garaad, waxa dartii shaqadii laanta Afka Somaliga ee BBC-da uga tagay saxafiyiin caan ah oo magac ku lahaa idaacadaas, inkastoo ay aad u badnaayeen haddana waxa ugu dambeeyay Siciid Cali Muse, Cabdisalam Hereri, Axmed Xasan Cawke, Aamina Muse Weheliye iyo kuwo kale, bedelkoodiina wuxuu Yuusuf keenay dhallinyaro uu ka soo ururiyay idaacadaha ay beeshiisu leedahay ee Muqdisho, kuwaas oo hoos u dhigay tayada laanta Afka Somaliga ee BBC-da. Dad badan ayaa jidhidhicooda marka ay dib u xasuustaan heerkii ay idaacadu taagnayd maamulkiisa ka hor oo uu madaxa idaacadda ahaa Maxamed Cabdillaahi iyo sida ay maanta dhulka ugu dhacday sumacadii idaacadaasi ay Somalida ku dhex lahayd.

Waxase ayaan darro ah in Yuusuf Garaad, oo si cadaalad ah u maamuli kari waayay idaacadda BBC-da uu hadda yidhaahdo waxaan isu sharaxayaa Madaxweynaha dalka Somaliya. Miyaanay Somaliya hadda sii go’in.?

Jawaabtaas waxaan u dhaafayaa bulshada Somalida ah, waxase cadaan ah in BBC-da qaybteeda Somaliga uu ka baxay naxligii curyaamiyay, cid kasta oo madaxa idaacadaas loo xulana waxa la gudboon inay idaacadda ka bogsiiyaan nabaradii uu Yuusuf Garaad gaadhsiiyay oo ah kuwo aan muddo kooban lagu tirtiri Karin, maxaa yeelay hore ayaa loo yidhi ayax tag eelna reeb.

Cabdiqani Maxamed Yuusuf, London

Comments are closed.