Qaar Ka Mid Ah Madax-Dhaqameedka Koonfurta Hargeysa Oo Ka Hadlay Isku-Shaandhayntii Xukuumadda Iyo Saamiga Ay Ka Heleen

0
579

hadeer aaQabiil Dhan Oo Wada Cabdicasiis Samaale Ah Ayuu Arki Waayey (Madaxweynuhu) Oo Wada Hadal Macaan

Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah cuqaasha iyo madaxdhaqameedka ka soo jeeda beesha degta koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa saluug xoogan ka muujiyey isku-shaandhayntii madaxweyne Siilaanyo dhawaan uu ku sameeyey xukuumadiisa, waxaana ay sheegeen in aan beesha ay ka soo jeedaan wax xilal ah oo muhiim loogu darin, iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay ka beel ahaan ay hada ogaadeen in aanay jirin wax ay u soo wado xukuumada Siilaanyo.

Cuqaashan iyo madaxdhaqameedkan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka guddida horumarinta beelaha Ciidagle Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, waxaana uu faah faahin ka bixinayaa u jeedka shirkooda jaraa’id.

"Halkan waxaanu ku qabanaynaa shir-jaraa'id oo kaga hadlayno arrimo ay noo muuqatay in ay u baahan hantahay in laga hadlo, arrimahaas oo ah madaxweynahu tabashooyinka beelaha. Annagu umadda oo dhana tabashadooda waanu ka hadlaynaa taayadana waanu ka hadlaynaa. Marka waxa weeye markii uu nagu soo maray Salaxlay waanu kala hadalnay tabashada beelaha, taladii aanu siinay waxna waa uu qaatay waxna muu qaadan, maantana waxaanu ka hadlaynaa tabasho kale oo muuqata taas oo ah madaxweynahu isku-shaandhayntii uu sameeyey horta beelahii galbeedk wax waa uu siiyey inkasta oo aan filaayo in aanay wali ku qancin wax la siiyey, laakiin waxii la kordhiyey waxay keentay beelo kale oo aan markii horeba wax haynin in ay tabashadii gaadho.Annagu waxaanu ka soo jeedna beesha Ciidagale, ma jeclin mana nihin dadka cawda ee yidhaahda waxba na lama siinin, waxaana markhaati ka ah Afarta sanadood ee madaxweynahu uu dalka haystayba waxaa aanu ahayn taageerayaal, oo ragayagan meesha ka hadlayaa waa ragayagii dadkooda kula taliyey waar in badan ayaa aynu mucaarad ahaynee waar maanta aan iska dayno mucaaradadiiyee aan muxaafad noqono.”. Ayuu yidhi Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi:“Madaxweynahu waxaa u sameeyey in beeshii hadashaba uu wax u kordhiyo annagu waanu ka xishoonay in aanu Tv-yada kala hadalno, waanu ixtiraamnay, waxaanu laakiin ugu tagnay godka. madaxweynoow Laba uun kala dooro ayaanu ku nidhi ama dadka dad qaran ka dhig oo laba nin oo walaalo ah u wada dhiib oo dee wax wada qaban kara amaba dee hadaad qabaa'ilka raali galinayso dawlado raali gali, laakiin yeynan noqonin in qaabaa'ilka ay noqdaan qaar kuwana la raali galiyo kuwo kalena laga cadhaysiiyo. dawladu horumar kasta oo ay samaynayso haddii aanay dadka wadanka ku wada nool aanay raali galinayn oo qabaa'ilka raali galinayn ma shaqaynayso. Waxaa ay dadku imika aad u wada hadal hayeen Cabdicasiis Samaale oo la' la haa waar waa madaxweynaha ninkii ugu dhawaayee ugu hadalka fiicnaa anigu lama aanan yaabin!. waxaan ula yaabi waayey qabiil dhan oo wada Cabdicasiis Samaale ah ayuu arki waayey oo wada hadal macaan.".

Garaad Mahad Cabdi oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Madaxweyne xilal yar yar ayey beeshu qarankan ka haysaa, waxaan ku odhan lahaa xilalkaa yar yar ee aanu ka hayno ku buuxi meelaha aad adigu rabto annaga ayaa kugu taageersanee kuna buuxi beelaha cabanaaya ee hadhanee ka banaan cabashadaa qaranka, waanu noolaan karnaa waana aanu ku barbar istaagi karnaa, beeshani maadaama ay cabanaysay muddo Afar sano ahna ay ku eegaysay, waxay ogaatay maanta in aan wax kaa soo socdaa aanay jirin , waxaanu ku leenahay xilalka yar yar ee aanu qaranka ka hayno ee wasiirku kow ka yahay ee ku xigeenku laba ku yahay ee agaasime-yaashu ku jiraan ee sida oo kalena maareeye-yaashu ku jiraan, madaxweyne saacada laga bilaabo beeshu waa ay kugu wareejisay ee qaranka cidii cabanaysa ku buuxi.Midna waan ku darsanayaa madaxweyne Xabsiyada maanta waxaa ka buuxa dad fara badan oo dil ku xukuman, arbeekooyin ayey isu badeleen, ninkii nin dilaaba waxaa uu tagayaa inta uu nin dilo ayuu baas kooladana miiska saaraya saldhigana uu tegayaa, madaxweyne waxaan ku odhan lahaa dilalkaa faraha badan ee is dul saaran fulinteedu adiga ayaa ay ku sugayaan.".

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay Odey Mataan Gahayr, waxaana uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu beesha ciidagal ku qarin waayey beel ahaan isaga oo xisbiyada mucaaradkana ugu baaqay in ay la yimaadaan siyaasad cad oo ay talada dalka kula wareegayaan oo qancisa guud ahaanba bulshada dalka dagta oo dhan. "Waxa weeye dalka ama cadaalad ayaa lagu maamulaa ama reernimo, waxa weeye midnaba reerka waad ku ixtiraami wayday, sidaas daraadeed haddii aad sacabka uun run moodaysid, beeshu aad ayey u kacsan tahay, cida ku leh waa ay degan tahayna waa qaar wax kaaga doonayee iska hubi. Xisbiyada mucaaradka ahna waxaan leeyahay dalku waxaa uu u baahan yahay wax Kulmiye ka badbaadiya uma baahna mucaaradka yidhaahda uun 26-ka Juun ayuunbaanu eeganaynaa ee siyaasad cad oo la' idin ku raaco keena.".Ayuu yidhi Md:Mataan Gahayr.