Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Guryo Iyo Xarumo Dawladeed Oo Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Shirkad Ka Iibisay

9
827

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda ku dhaliilay dhulka danta guud ah ee ay bixinayso, isaga oo taas ku tilmaamay mid dhibaato qaranka u keeni karta.

Faysal Cali waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay go’aanka ay maxkamaddu ku hakisay fadhiyada guddiyadii isku shaandhayntooda dhawaan golaha wakiiladu u codeeyay, isaga oo maxkamadda ku sheegay mid aan faro galin karin arimaha golaha.

Waxa uu sidan ka sheegay guddoomiye Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayay kulan loo sameeyay Akadamiga afka ah oo loogu magac daray abwaan Gaariye. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Somaliland dal jira muu ahayn waxaanu ka soo dhex baxay dal dhintay oo baaba’ay, waynu iska kaca kufnay waxaynu samaynay Somaliland ku dhisan dimuqraadiyad wanaagsan oo wada tashi ku nool, Somaliland waxay ahayd ilma yar oo ku nool taageero, taageeradaas oo ahayd wada tashi,midnimo, isku tanaasul iyo inaga oo dhisayna hay’addaha kala duwan oo uu inoo bilaabay madaxweynihii hore ee Cigaal, taas oo ka iman jirtay shacbiga.Maanta waxa muuqata in taageeradii laga qaadayo ilmihii yaraa ee Somaliland ahaa taas oo ah shacbiga oo kala tagay, oo colaad la kala dhex dhigay, hay’addihii oo lagu tumayo, sharcigii aynu samaysanay oo la baabiinayo taasina danteena maaha,waxaan leeyahay waa arintaasi waa inaynu ka diidnaa yeynaan tacab khasaarin.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa weeye haddii nidaamku burburo oo hay’adduhu meesha ka baxaan oo sharciga layska laabo oo qof waliba waxa uu doonayo sameeyo ma jirayso dawladnimo, hada tiyaatirkii waxa la sheegaya in la siiyey salaadiin kuwii hore ee ay dawladii hore ku dacayadayn jireen ee la odhan jiray Hindiyolaynkii  ayey iibsadeen waxa laga dhisay dhismayaal casri ah oo qurux badan kuwana waxa la leeyahay salaadiin ayaa la siiyey, waxa la bixiyey library-gii Gandi, Nec Fish-tii ayaa iyadana la bixiyey,shacabkii ayaa la boobayaa, waxaasina waxay keenayaan iska hor imaad waana wax la wada leeyahay oo dan guud ah qof gaar ahna lama siin karo,guryaheeni horena waa la wada qaatay imikana meeshii banaan waxa la odhanayaa suldaanow soo eego, waxaasina inama anfacayaan waana in midnimadeena iyo qarankeena la ilaaliyaa, waxaan dawlada ka codsanaynaa inay cagta u dhigto.”

Ugu danbayntiina guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu ka hadlay warqada ay maxkamada sare ee Somaliland ku xayirtay dhaqan gelinta go’aankii golaha wakiiladu ku ansixiyeen isku shaandhayntii guddoomiyaha golahaasi ku sameeyey guddi hoosaadyada, “ “Baarlamaanku waa calaamad weyn oo qaranka lagu garan karo haddii baarlamaanka lagu xidhayo warqad ay maxkamaddi soo saartay ma dhaafsiisana maqaaxi laysku qabsaday oo kale, markaa waa inaynu hay’adaha qaranka ilaalinaa sharaftooda,sadexda hay’addood ee sharci dejinta,garsoorka iyo fulintu way is barbar yaalaan midna ma xukumi karo ta kale, inkasta oo ay bari dhawayd u muuqatay inuu madaxweynuhu sadexdaba maamulo hadana warqada iyo distoorka siday ugu taalo way kala madax banaan yihiin isaguna kharashka ayuun buu hayaa,waxaanu leenahay maxkamadda waxaad noqoteen sidii orgigii kildhiga loo geliyey madaxa ee ilaahay haydiinka saaro.”

 

Comments are closed.