Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Berbera

40
617

Berbera(Geeska)-Mudaharaad xoogan ayaa ka dhacay magaalo madaxda gobalka Saaxil ee Bebera. Mudaharaadkan ayaa bilaabmay kadib markii ay isa soo abaabuleen ganacsato iyo kaluumaysatadii isticmaali jiray dekeda kaluumaysiga (NEC Fish) kuwaas oo ka cabanaayay iibka la iibiyay Nec Fishta magaalada Berbera oo ay ku eedaynayeen xukuumadda.

Mudaharaadayaasha ayaa ku soo wareegay wadooyinka halbowlaha ah ee magaaladda Berbera, waxaanay cabsho la hor tageen xarunta badhasaabka gobalka Saaxil oo markaas la sheegay inuu xafiiskiisa ka maqnaa, ciidamadda booliska ayaa iyagu rasas ku kala dareeriyay dadkan mudaharaadayay.

Mudaharaadkan oo aan gaysan khasaare buuran ayaa ku soo dhamaaday si nabadgalyo ah, inkasta oo ciidamadda boolisku ay u adeegsadeen dadkan mudaharaadyay kala dareerintooda rasaas nool.

 

Comments are closed.