Golaha Wakiilada Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Isku Shaandhayntii Lagu Sameeyay Guddiyada Iyo Baashe Iyo Cali Yuusuf & Oo Aan Fadhigii Shalay Ka Soo Xaadirin

50
731

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa dur duro ku ansixiyay isku shaandhayn golaha wakiilada hore uu ugu sameeyay guddoomiye Cabraxmaan Cirro oo ay isku khilaafeen labadiisa ku xigeen oo iyagu u arkay isku shaandhayntaas mid xeer hoosaadka ka hor imanaysa.

Sida oo kale waxa uu golahu ansaxiyay ajandaha kal fadhiga 23 ee golahaas, waxaan xusid mudan in fadhigan oo ay joogeen 54 xildhibaan aanay ka soo xaadirin labada gudoomiye ku xigeen ee golaha wakiilada, kuwaas oo markii dambe cambaareeyay natiijadii golaha ka soo baxday.

Ugu horayntii xoghayaha golaha wakiilada ayaa fadhiga ka hor akhriyay qoraal uu soo saaray la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada Mustafe Maxamed waxaanu ku sheegay qoraalkaas la taliyahu isku shaandhanynta gudiyada goluhu inay tahay mid sharci ah, isla markaasna uu ogal yahay xeer hoosaadka golaha wakiiladu, isaga oo xusay in xeer hoosaadka golahu uu diidayo oo kaliyaata in isku shaandhayn lagu sameeyo guddiyada golaha sanadka ugu horeeya iyo sanadka ugu danbeeya, isla markaasna aanu labadaas wakhti midna golahu ku jirin.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigan shir gudoominayay ayaa cod galiyey ajandaha kalfadhigii 23 ee golaha walkiilada oo furmay, waxaana ajandahaas ogalaaday 49 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, 3 ayaa ka aamusay, guddoomiyahuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay.

Intaas kadib waxa uu guddoomiye Cirro uu codka kalsoonida golaha u qaaday guddi hoosaadka golaha wakiilada ee cusub waxaana u codeeyay 47 xildhibaan, waxa diiday 5 xildhibaan,hal xildhibaan ayaa ka aamusay,guddoomiyahuna muu codayn.

Markii uu xidhmay fadhigii golaha wakiiladu,  xildhibaano kala duwan oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee aqalka golaha wakiilada ayaa badidoodu soo dhaweeyay ansaxinta guddi hoosaadyada isku shaandhaynta lagu sameeyay, iyaga oo ku tilmaamay golaha oo si haboon xilkiisii u gutay, inkasta oo uu jiray xildhibaan isaguna qabay aragti taas ka duwan.

Ugu horayntii xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga KULIYE, ayaa yidhi waxa uu yidhi “Saaka golahu gole ayuu ahaa, eesh  calaa gole ayuu ahaa,mudo dheer oo 17 sanadood ah ayaan golaha ku soo jiray, golahu waxa uu u eekaa golahayagii hore ee Siilaanyo iyo Duqsi iyo rag kaloo badan oo dhintay ay ku jireen, gole karaamadiisa,sharaftiisa iyo bulshada soo dooratayba  iyo qaranimada ilaalinaaya ayuu ahaa saaka, labadii shir gudoon ee ku xigeenada ahaana way naga maqnaayeen, golahii shaqadiisii waa uu qabsaday sidaas ayaana bilaw u ah, inuu shaqooyinkiisii qabsado oo xukuumaddu markay saxantahay uu raaco, marka ay qaldantahayna qabto, waxaanu u dhaaranay qaranka iyo diinta xisbina umaanu dhaaran, waxii dhibaato ah ee bulshooy idinka hor yimaada gole ayaad u leedihiin.”

Xildhibaan Bashiir Tukaale  ayaa isaguna dhankiisa sidan ku cabiray dareenkiisa “Karaamo iyo awood ayuu golahu muujiyay wax kasta waa laysku dayay way suuroobi wayday,waayo sharci ayaa shaqaynaaya oo sharcigii dhabta ahaana waa lagu dhaqmay, gudoomiyahu si qurux badan ayuu hawshaas saaka ka yeelay, goluhuna si lamid ah ayuu ku ansaxiyay, xeerarkii jidaynaayay isku shaandhaynta ayaa loo akhriyay, waana lagu qancay, hawshaas waan dhamaynay,inkasta oo labadii oday ee odayga dhinac fadhiisan jiray ay maqnaayeen oo iyagana aan ka fikirayno inaan soo dhigno.”

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cige (Bukhaari) ayaa isagu ansixinta gudidaas isku shaandhaynta lagu sameeyay iyo ajandahaba ku tilmaamay hawl lagu deg degay “Golaha si khaldan ayaa loo aloosay, waxaanay ahayd subixii koowaad, shir gudoonkii muu dhamayn, khilaafna waa uu jiray,waxa la sameeyay wax golaha iyo qarankaba cay ku ah waana la dadajiyay oo waa la afduubay,taasina sharaftayada, ta shirgudoonka iyo golahaba way dhaawacaysaa,waxaan ugu baaqayaa shir gudoonka iyo golahaba in xeerka lagu soo noqdo lana joojiyo waxii golaha iyo umaddaba wax yeelaya,shir gudoonkii oo kala qaybsan maalintii koowaad in shan shay la ansaxiyaa waxaan u arkaa dag dag aan wanaagsanayn.”

Ugu danbtayntii xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte  ayaa isaguna dareenkiisa sidan ku cabiray“Golahu waxa uu muujiyay dareenkiisa, sidaas ayaanay ku dhaqan galayaan gudiyadii, xildhibaanada codka laga badiyayna waxa wanaagsan inay dimuqraadiyada ku dhaqmaan oo ay u hogaansamaan sharciyada golaha.”

 

Comments are closed.