Guddoomiyihii Ururka Qareenada Oo Shalay la Xidhay

1
646

Hargeysa (Geeska) – Ciidamada Ammaanka ayaa shalay xidhay Guddoomiyaha ururka qareenada Somaliland ee SOLLA, Foosi Skeekh Yoonis, ka dib waaran qabasho ah oo doraad ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Ciidamada booliska ayaa xidhay ka dib markii sida la sheegay Guddoomiyuhu ururka Qareenadu ka dhaga adeygay u yeedhis uga timid Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliland, oo ugu yeedhay dacwad uu qareen ka ahaa oo ku jirtay Maxkamadda ciidamada, waxaana la sheegay in Guddoomiye Foosi lagu xidhay saldhiga dhexe ee Booliska ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, Xasan Cali Banfas oo warbaahinta u xaqiijiyey xadhiga guddoomiyahooda, ayaa falkan ku tilmaamay sharci daro, waxaanu balan-qaaday inay maanta ahaan ay saxaafadda kaga hadli doonaan xadhiga Guddoomiyaha SOLLA iyo dhaliilaha sharci ee dalka yaala.

 

Comments are closed.