Mucjisooyinka Jidhka: Iftiinka Maskaxda, Asiidhka Caloosha, Adayga Ilkaha, Cabbiraadda Wejiga iyo Lafaha Carruurta

0
1348

Hargeysa (Geeska)- Waxaa arrin aad loo ogyahay ah in fahamka jidhka aadamuhu uu aad u adag yahay, iyo in unug kasta oo ka mid ahi uu leeyahay dabeecado u gaar ah iyo shaqooyin Alle (SWT) ugu talagalay. Mar kasta oo aynu akhrinno macluumaadka saynisyahannadu ka diyaariyaan jidhka aadamahana waxa aynu arkaynaa arrimo cusub oo laga yaabo in aynaan hore u ogeyn ama dhugmo ugu yeelan. Waxaa ka mid ah arrimo dhowaan lagu xusay shabakadda Bold Sky ee caafimaadka ka faalloota, arrimahaas oo ay u badan tahay in qaar badan oo innaga mid ahi aanay hore u ogeyn ayaa uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay:

  1. Maskaxdeenu waa ay samayn kartaa iftiin sida laydhka ah

Maskaxda bani’aadamku waxa ay leedahay awood dab-dhalineed oo bixin kara ilays la mid ah ka uu bixiyo faynuuska ama laambadda aadka u yari. Sababtuna waa maskaxda oo mark adherer ahaan loo beddelo xididdada dhiigga ee mara, haddii la isku xidhi lahaa ay gaadhi lahaayeen masaafad ka badan 160 kun oo kiiloo mitir. Xididdadaas ayaana sameeya iftiinka.

  1. Ilkaha dadku waxa ay la mid yihiin ilkaha libaax badeedka

In kasta oo aynu aad u dhowrno ilkaha innaga oo ka cabsi qabna in ay jilicsan yihiin oo haddii xoog badani ku dhaco ay jabayaan, marar badanna aynu aragno malaheennaas oo rumoobay, kadib marka ilig si fudud isaga jabo, haddana waxa ay culimada u kuurgashay sheegeen in ilkaha aadamuhu aanay sidaas u jilicsanayn, haddii aanay ku dhicin dhibaato caafimaad oo marar badan qofka oo aan ogeyn dhuuxa ka disha iligga, ama kalshiyaamta iyo macdanaha kale ee lafaha ilaaliya oo qofka ku yar.

Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in ilkaha dadku ay leeyihii awood xoog badan oo la mid ah ilkaha libaaxbadeedka dadqaadka ah oo la ogyahay in qofka hal qaniinyo uu ku kala jari karo.

  1. Asiidhka calooshu (Kaasteriga) waxa uu awood u leeyahay in uu burburiyo makiinnadda gadhka lagu xiirto

Baadhitaannu ay saynisyahanno ku sameeyeen awoodda burburineed ee asiidhka ku jira caloosha bani’aadamka, ayaa lagu ogaaday in haddii maqaarka qofka lagu shubo ay si xun u gubayso oo weliba ay jarjari karto, ama daloollo u samayn karto. Asiidhkan ayaa ay khubaradu sheegeen in uu leeyahay awood haddii loo isticmaalo lagu burburin karo makiinadda sheefta loo yaqaanno ee gadhka lagu xiiro.

Awooddaas mucjisada ah ee uu asiidhkani leeyahay ayaa suurtogelisa in uu caloosha ka ilaaliyo bakteeriyada dhibaatada caafimaad keenaysa ee laga yaabo in ay cuntada in ay cuntada inoo raacdo.

  1. Wejiga qofku waxa uu samayn karaa 70 kun oo cabbiraadood

Tijaabooyin lagu sameeyey awoodda dhaqdhaqaaq ee murugyada wejiga qofku samayn karaan ayaa muujisay in uu wejigu samayn karo qiyaas ah 70 kun oo cabbiraadood. Arrintan ayaa saynisyahannadii tijaabadeeda sameeyey yaab ku noqotay maadaama oo hore loo aaminsanaa in wejiga qofku uu samayn karo cabbiraado kooban oo ah murugada, farxadda iyo wixii la midka ah.

  1. Carruurta ayaa ka lafo badan waayeelka

Saynisyahannada ku xeeldheer cilmiga lafaha ayaa xaqiijiyey in carruurtu ay 60 lafood dheer yihiin lafaha qofka weyn jidhkiisa ku abuuran. Dad badani lama ay yaabin in carruurtu ka lafa badato waayeelka, waxa se maskaxdooda markiiba ku soo dhacday halka ay tiradaas lafaha ee dheeraadka ahi qabato marka uu qofku weynaado?

Saynisyahannada dhib kuma ay noqon in ay taas jawaab u helaan, waxa aanay sheegeen in lafaha dheeraadka ahi ay noqdaan carjow marka uu ilmuhu weynaado ku milanta lafaha kale oo ay ku biirto.