Cuntooyinka Ugu Habboon Ee Dadka Waaweyn Ka Ilaalin Kara Cudurka Lafaha Lisa Oo Dumarka Ku Badan

0
1271

Brussels (Geeska)- Jimciyad ka shaqaysa caafimaadka dumarka da’da ah oo ka dhisan Yurub ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in dumarka da’da dhalmadeyska gaadhay ay ku dadaalaan cunista cuntooyinka qaniga ku ah Kalsiyaamta si ay uga fogaadaan khatarta in uu ku dhaco cudurka lafaha lisa/burburiya ee lagu magacaabo Osteoporosis, oo ay jimciyaddu caddaysay uu ku dhaca saddexdii dumar ahba mid dunida oo dhan.

Cilmibaadhis ay jimciyaddu samaysay oo natiijadeeda jimcihii ina dhaafay lagu faafiyey Joornaalka Maturitas oo ka faallooda arrimaha cilmiga ayaa intaas ku daray in gabadha marka ay dhaafto da’da caadada lagula talinayo in jidhkeedu uu maalin kasta helo Kalsiyaam xaddigeedu u dhexeeyo 700 illaa 1200 oo miligaraam. Waxa aanay si guud ugu talisay in sideedaba dumarka loogu dadaalo kalshiyaamta carruurnimada illaa cirroolenimada, isla markaana lagu baraarujiyo muhiimadda ay Kalshiyaamtu u leedahay caafimaadkooda.

Kalshiyaamta waxaa aad looga helaa caanaha iyo cuntooyinka caanaha laga dheegto, waxa kale oo laga helaa khudradda caleenta ah sida Koostada, Barakooliga, salladhka iyo kaabashka iyo basalbaarta. Cuntooyinka kale ee ay dhakhaatiirtu sheegeen in Kalshiyaamta laga helo ayaa waxaa ka mid ah cuntada qolafta leh sida lawska, cuntada galka leh sida fuulka, faasuuliyaha, cadaska iwm. Waxa kale oo iyaduna jira faytamiin dhammaystireyaal dawo ahaan loo qaadan karo oo laga helo xarumaha caafimaadka.

Cudurka lafaha lisa oo malaayiin qof oo dunida ku filqan hayaa waxa uu kenaa xanuun aad u daran oo qofka ka hela isgoysyada xubnaha iyo barar ku dhaca xaglaha, waxa uu si gaar ah u abbaaraa jilbaha, gacmaha iyo lafdhabarta.