Mucjisooyinka Doorashooyinka Maraykanka Waxaa Ka Mid Ah In Nin Dhintay Loo Doortay Xildhibaan Baarlamaan

0
573

Gobalka North Dakota ee badhtamaha galbeed ee Maraykanka waxaa ka dhacay dood dhinaca sharciga ah kaddib markii doorashooyinka hadda socda uu kursi golaha wakiillada ee gobalka ah ku soo baxay nin hore u geeriyooday.

David Andahl oo isaga oo 55 jirka bishii aynu soo dhaafnay ee Oktoobar u geeriyooday Coronavirus ayaa ku soo baxay liiska xildhibaannada ku guulaystay golaha wakiillada, kaddib markii intii aanu dhiman ka hor isu sharraxay xilkan, sidaasna lagu daray magaciisa liiskan.

David Andahl waxa uu taageero ka haystay masuuliyiinta ugu sarraysa ee la jirta madaxweyne Donald Trump ee xisbiga. Waxa aanu ka mid noqday murashaxiinta ugu codka badan xildhibaannadii ku guulaystay doorashada kaddib markii uu helay 35.5 bnoqolkiiba codadkii laga dhiibtay deegaan doorashadiisa.

Nidaamka doorasho ee gobalka ayaa dhigaya in murashaxiinta lagu doorto liis ka soo baxaya xisbiyada, kaddibna kuwa codadka ugu badan helaa ay ku fadhiisanayaan kursiga baarlamaanka gobalka.

David Andahl waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta magaca iyo taageerada weyn ku leh deegaankiisa doorasho, waxa aanu ku jiray liiska murashaxiinta xisbigiisa, laakiin doorashada waqti yar ka hor ayaa uu geeriyooday. Waxa aanay nasiibdarradu noqotay in aanu gobalka ka jirin sharci ka warramaya waxa xaaladdan oo kale laga yeelayo, iyo sida qofka geeriyooda maalmo yar ka hor doorashada magaciisa looga saarayo liiska.

Isla markii uu geeriyooday David oo doorashada ka horreysay ayaa ay doodadan sharci soo baxday, laakiin sababaas dhinaca sharciga awgeed lagama saarin magaciisa, inkasta oo ay markaasba masuuliyiinta doorashooyinku sheegeen in aanay garanayn sida ay arrintan u xallin doonaan haddii uu guulaysto David Andahl magaciisu. Si kastaba ha ahaato ee wargeyska Washington Post ayaa mar sii horreysay xeerilaaliyaha guud ee gobalka ka soo xigtay aragtidiisa oo ah haddii Andahl uu guulaysto in xisbiga Jamhuuriga ee uu ka sharraxnaa uu xaq u yeelan doono in uu kursigaas sii buuxiyo inta la qabanayo doorashooyin kursigaas u gaar ah oo mar kale lagu tartamo.