Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Bunka Laga Helo (Q. 2aad)

0
573

Qaybtii labaad ee warbixintii ka warramaysay faa’idooyinka caafimaad ee uu bunku leeyahay iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara.

  1. Xarunta caafimaadka ee caanka ah ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet warbixin ay ku baahisay waxa ay ku sheegtay in cabbista Bunku ay yarayso xanuunka Alzheimer. Cilmibaadhayaal arrintan daraaseeyey ayaa ogaaday in dumarka da’doodu 65 jir iyo ka weyn tahay ee bunka maain kasta cabba in ay yartahay khatarta ah in uu asaasaq ku dhaco.
  2. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in maskaxda uu dhiig ku furmo ama ka xidhmo.

Dhibaatooyinka caafimaad ee bunka

Inkasta oo uu bunku leeyahay faa’iidooyinkaas tirada badan ee aynu badankooda qaybtii hore ee qormadan ku soo aragnay, haddana waxa uu cilmigu ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo bunku uu qofka ku keeni karo, gaar ahaan marka uu qofku isku badiyo cabbista bunka ama markiisa hore uu leeyahay xaalado caafimaad darro oo bunku uga sii dari karo. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Bunku waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha.
  2. Bunka oo la isku badiyaa waxa uu qofka ku keenaa xaalado nafsadeed ay ka mid yihiin walaac iyo cadho badan.
  3. Bunku waxa uu raad xun ku yeeshaa hurdada oo uu dadka qaar ka yareeyo.
  4. Bunku waxa uu keenaa calool olol.
  5. Bunku waxa uu si ku meelgaadh ah u kiciyaa dhiigga, laakiin isagu ma keeno dhiigkar. Sidaas awgeed waxa fiican in qofka dhiigkarka lihi uu ka taxaddaro cabbista bunka.

Intee ay tahay in bunka laga cabbo?

Maadaama oo aynu xusnay in bunku uu faa’iidooyin caafimaad iyo dhibaatooyin caafimaad darro leeyahay, waxaa muhiim ah in la is weydiiyo sida ugu habboon ee bunka loo cabbi karo iyada oo dhibta ka iman kartana laga taxaddarayo. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ya ku talinayaan in qofku aanu maalintii ka badsan 3 koob oo bun ah, laakiin dhibaato kuma ay sheegin in uu illaa shan koob gaadho. Inkasta oo ay tahay in loo eego hadba xaaladda caafimaad ee qofka.

Caadi ahaan ma fiicna in jidhka uu galo xaddi ka badan 400 oo miligraam oo maadadda Caffeine ahi maalin kasta.

Waxaa xusid mudan in tirada koobabka bunka laga cabbayaa ay aad ugu xidhan tahay xaddiga Caffeine ta ee koob kasta ku jirta, taas oo ku xidhan hadba sida loo diyaariyey bunka iyo nooca uu marka horeba yahay bunku. Tusaale ahaan koobka bunka aadka u culus ah, iyo bunka la kariyaa ee iyo bukna nooca ka baxa dalka Turkiga koobkiisa waxaa inta badan la qiyaasaa in ay ku jirto 30 mililitir oo maadadda Caffeine ah, laakiin bunka u samaysan nooca Isbareesada loo yaqaanno waxaa la qiyaasaa in koobkiiba ay ku jirto Caffeine qiyaasteedu dhan tahay 40 illaa 74 miligraam ama ka badan.

Digniin

  1. Dumarka uurla leh iyo qofka bukaanka ah guud ahaan xanuun kasta oo uu qabo, waxaa muhiim ah inta aanu bun cabbista bilaabin in uu la tashado dhakhtar xaaladdiisa ka war haya ama takhasuuska ah.
  2. 400 mililitir oo Caffeine ah ayaa uu jidhku maalintii u baahan yahay, laakiin ogow in maadaddan Caffeine ta ana laga helin bunka oo keliya, balse ay sida oo kale ku jirto shaaha iyo cabbitaaka Cola.
  3. Iska jir in aad bunka sonkor ku darto.
  4. Iska jir bunka ama cabbitaan kastaba in aad ku cabto kulaylka aadka ah, waayo daraasado kala duwan ayaa ka marag kacaya in Kansarka hunguriga ku dhacaa uu xidhiidh la leeyahay kulayla cabbitaanka oo dhaawaca dhuunta, sida oo kale waxa uu sababi karaan nabarro gubasho oo ku smaaysma hunguriga.